Home » Fanka » BAARIS: Laba Fanaan Somali Ah Oo Bidaar Lahaa Balse Haatan Isku Beeray Timo Been Ah , Koofida Waa Ay Tuureen

BAARIS: Laba Fanaan Somali Ah Oo Bidaar Lahaa Balse Haatan Isku Beeray Timo Been Ah , Koofida Waa Ay Tuureen

Bidaartu ama madaxa oo timo beela waa wax caadi ah oo ay sababaan Hormoonnada ku Jira madaxa qofka iyo siyaabo kale oo caafimaad.

Waxay u badan tahay in qofka uu Bidaar yeesho marka uu gaaro da’da dhex-dhexaadka,waana dhacdaa in la arko qof da’yar oo haddana madax diiran.

Sababo la xiriira dhaxal,cuduro ku dhaca qofka, nafaq darro ayaa keeni kara timo guranka oo ugu dambeyntii issu-baddeli kara Bidaar.

Timahu waxay qeyb muhiim ah ka qaataan qaab-dhismeedka muuqaalka qofka,loomase dhinto haddii ay dhacdo inay daataan.

Fasirka ah in Bidaar la yeesho waa lagu kala duwan yahay, dadka qaar ayaa u arka in Bidaartu ay keento fool-xumo halka kuwoo kalena ay aaminsan yihiin inay tahay wax dabiici ah oo aan dhib badeyn la heyn.

Ka hadalka Bidaarta kuma badna waddamada hormaray,loomana arko inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya dadka timaha leh iyo kuwa ay timo la’aanta ku dhacday oo u badan ragga.

Laakiin haddana,qaar ka mid ah dumarka oo u badan gabdhaha yar-yar ama kuwa meel-dhexaadka ah ayaa ku xajiimooda Bidaarta,iyagoo dhaleeceyn joogta ah ku haya raga ay timo-la’aantu soo wajahday.

Iyadoo ay raggu qaar naxdin aan dhammaad la heyn ku noqotay ku dhowaaqidda ereyga BIDAAR,ayaa waxaa hadda soo shaacb baxay Dhakhaatiir awood u leh inay timo ku beeraan madaxii diirmay,taasoo aad loo soo dhoweeyay.Waddanka Turkiga ayaa ugu caansan meelaha lagu beero timaha.

Dadka ka dhex muuqda bulshada,sida, siyaasiyiinta,ganacsatada,fanaaniinta iyo ciyaartoyda ayaa si dhib yar loo arkaa bidaartooda.

Haddaba,dad badan oo magac leh oo ay ku jiraan kuwoo Soomaali ah ayaa bilaabay inay timo ku beertaan madaxda,si ay u baabi’iyaan bidaarta oo ay isaga tuuraan koofiyadda ku hagoogan oo ay mar waliba is-daba wadaan.

Axmed Zaki iyo Saadaq Seyga oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ay ka muuqatay inay bidaar la haayeen ayaa ka faa’iday mashruuca timo-abuurista.

Labaduba waxay horey u isticaamali jireen Koofiyad,walow uu Axmed Zaki aad uga timo yaraa Saadaq Seyga oo isaga si basar ah issugu cel-celin jiray timaha si aan loo dareemin bidaartiisa aan xad-dhaafka aheyn.

Alacarabiya.comoo arrintan baartay ayaa xogtan oo wada caddeymo ka heshay Fanaaniin caan oo ay saaxiibo dhow yihiin Axmed Zaki iyo Saadaq Seyga.

DAAWO SAWIRADDA CADDEYNTA AH

MARKII UU TIMAHA BEERTAY

SAADAQ SEYGA

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

2 Responses to BAARIS: Laba Fanaan Somali Ah Oo Bidaar Lahaa Balse Haatan Isku Beeray Timo Been Ah , Koofida Waa Ay Tuureen

  1. hanad cade Reply

    11, June 2017 at 3:32 pm

    ilama ficna in haybad ilah kusiiyo in ad kuciyaarto

  2. zidiiq Reply

    28, May 2017 at 3:05 pm

    walaalayaal anigaaba u baahan qolyahaase xaggee kala xidhiidhaa may tilmaami kartaan mase ii fududayn kartaan halkaam ka heli lahaa macluumaadkooda anigoo ag taagere ama shaqsi ku xidhan mareegtaan khairka badan jawaab ayaan idinka sugayaa ama talo iinsha allah walalayaal ramadaan kariim asc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *