Home » Hindi » BOX OFFIECE: Wacdaraha Filimka Baahubali 2 Oo Wali Laga Dareemayo Daafaha Caalamka & Lacagta Guud Ahaan Shaqeeyey Filimkaan

BOX OFFIECE: Wacdaraha Filimka Baahubali 2 Oo Wali Laga Dareemayo Daafaha Caalamka & Lacagta Guud Ahaan Shaqeeyey Filimkaan

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa laga yaabanyahay filimka dhawaan gil gilay Masraxyada ee Bahuballi 2 kaasi oo loo maleeyo inuu la wareegidoono Box Office-ka.

Filimka Baahubali 2  ayaa todobaadkiisa afaraad saaran tiyaatarada India waxaana filimkaan uu wali sameeynayaa ganacsi wanaagsan.

S.S. Rajamouli filimkiisa ayaa shaqadiisa socotay ugu yaraan shan sano sababtoo ah waxaa uu filimkaan ahaa laba qeeybooda sidaasi darteeda waqti badan ayaa ka gelay jilaayaasha filimkaan.

Filimka Baahubali 2 ayaa maalintii axada oo ah todobaadkii afaraad shaqeeyey lacag dhan 8.25 crores, waxaana laga dareemayaa in wali uu xiiso gaar ah leeyahay.

Guud ahaan marka la fiiriyo lacagta uu shaqeeyey filimkaan muddada uu tiyatarada saaranyahay waa  478 crores.

Sidaasi darteeda waxaa la rajeeynayaa inuu gaaridoono maalmaha ka harasan todobaadkaan 500 crore, waana waxa ay yartahay inay sameeyaan filimaanta.

Balse waxaa la ogaaaday in filimkaan uu istaagidoono todobaadkaan kadib sababtoo ah waxaa Tiyaatarada India la saaridoonaa filimaan kale oo la sameeyey Half Girlfriend iyo Hindi Medium,

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *