Home » Ciyaaro » DOONIS HOR LEH: Koox Reer Talyaani Oo Dooneysa Morata (Mana Ahan Juve).

DOONIS HOR LEH: Koox Reer Talyaani Oo Dooneysa Morata (Mana Ahan Juve).

Waxaa lasoo warinayaa Milan in ay dooneyso weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata inkastoo cadaadis ay kala kulmi karto kooxaha reer England.

Xiddigii hore ee kooxda Juve ayaa dib ugu laabtay Los Merengues xili ciyaareydkii lasoo dhaafay balse kuma jiro safka koowaad ee uu Zinedine Zidane uu soo magacaawdo.

24-sano jirkan ayaa 20-goal ka dhaliyey dhamaan tartamada balse waxaa ka sareeya 17-xidig oo aliya.

Sida laga soo warinayo majalda dalka talyaaniga kasoo baxda ee Tuttosport, Morata ayaa ka tagi doona Real xili ciyaareydka soo aadan sidoo kale Rossoneri ayaa ku dagaalamaysa in ay lasoo saxiixato xiddigan.

 Si kastaba waxaa ay loolan adag kala kulmi doonaan kooxaha reer England ee Chelsea iyo Manchester United kuwaasoo muddoo yinkii danbe xiiseenaye xiddigan.

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *