Home » Sheekooyin » Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 4-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 4-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Waxaa Goobta Yimi Gaari ambalaas oo ay Dadka Darisku Waceen, Waxaana Si Deg Deg ah Ramlo loogu Qaaday isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho Si Halkaasi Laagu Daweeyo Haddii Teeda Wax Ka Dhiman Yihiin.

Waxa ay Aheeyd Xili Duhur ah oo ay Cadceeddu Kululeyd intii isbitaalka Loo Wadayne inanta Aad ayeey u Dhiig Baxday, Balse Gudaha isbitaalka Waxa la Galiyay iyada oo ah Dhawaac Nafta Ku Yara Danbeyso.

intii Aan Saalada Qaliinka La Saarin Waxa iyagana Cusbitaalka Soo Gaaray Aabeheed iyo Walaalkeed Ka Weyn oo Ganacsada ahaa, Waxa ayna Saxiixeen in Gabadha La Saaro Saalada Qaliinka Si Dhiig Gudaha ugu Hooray Debadda Looga Soo Saaro.

Waxa Gudaha Saaladii qaliinka Ku Soo haray Dhaqtarkii Qaliinka Sameynayay iyo Kalkaaliyayaashiisii Dadka intiisii Kalane Dibadda Ayaa loo Saaray.

Ramla Ehelkeeda iyo Asxaabtiiba Waxa Aya tuban Yihiin Banaanka Waxa ayna Ka Warsugayaan Natiijada Saacadaha kadib Soo Yeeri Doonta.

Qaasatan Aabaheed Waxa Kasoo Haray Dhabano Heys, Hooyadeedna iyada oo Naxdin La Miir Beeshay Ayaa Looga Soo Tagay Aqalkii ay Daganayeen.

Halka Walaalkeed Ka Weyn uu Aabihiis Ku Qancinayay in uu Samir Yeesho, Maxaa Yeelay oohin iyo Dhabana Heys Waxba Ma Badbaadin Karaan, ee Alle ayaa Wax Badbaadin Kara, isaga oo Aaabihii Dajinaya Waxa uu Yiri:-

=” Aabe …. Hadii ay Alle Xagiisa KaSoo Dhamaato Walaasheen Geerida Ma Ka Badbaadin Karno , Xataa Haddii aan Malaayiin Bixino, Alle Ayeeyna Wax Waliba Ka Go,an .

= imisa iyaga oo Taajira Lacagtooda Badbaadin Weysay Xataa Haddii la Geeyey Cusbitaalada ugu Qaalisan Dunida, Ugu Danbeyne ay Geeriyoodeen,

= Kaliya Aabe Waxaana Noo Furan Wadada ah Ducada iyo Alle Bariga Si Walaasheen Alle Noogu Badbaadiyo Haddii Teeda Wax Ka Dhiman Yihiin, La Soco Qeybta 5-aad 

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *