Home » Sheekooyin » Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 1-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 1-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Waaa salaaman tihiin dhamaan aqristayaasha Alcarabiya.com,waxaan idin soo gudbineynaa sheeko Jaceyl xaqiiq ah oo noqoneysa taxane ,sheekadaas oo Muqdisho ka dhacday dhawaan waxaa qoray iskuna duba riday qoraha arimaha qoyska ku xeel dheer ee Xaaji Tahriib.

Sheekadaas waxa ay todobaadkii mar ku soo baxeysaa shabakada arimaha qoyska ee Alcarabiya ,waxaana loogu magac daray Qadarta Eebe Qofna Haku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtee ,( Qeybta 1-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Waxa uu Ahaa Nin Degan oo Qadarinta Aadanaha Aad ugu Wanaagsan, Waligii isagoo Qof ay is Heystaan Lama Arag, Mana aheyn Qof Dabeecadda Ka Aradan.

Sidoo Kale Waxa uu Tusaale u Ahaa Qoys Ka Kooban 12 oo isugu Jira Wiilal iyo Gabdho, Deriskiisa Waxa ay la yaabi Jireen Sida Basharkani Alle ugu Galeystay Dabeecadan Dahabka ah, Laakin Waxa uu Ahaa Nin Ay Lixdiisa Lixaad Kala Dhantaalan Yihiin.

Magaciisu Waa Waasuge Waxa uu Deegaan Ahaan Kasoo Toosaa Xaafadda Laba Dhagax ee Magaalada Muqdisho, Waxa ay Maalin Si Kaftan ah Ereyo Shukaansi ah isku Tuur Tuureen Gabar isla Xaafadooda Daganeyd Laakin Wa ay Ka Biyo Diiday Waxa ayna Ugu Jawaabtay ” ADIGAN LUGAHA GO,AN HALKEEN KU GEYNAYAA KUWII LUGAHA LAHAA AYAAN MEELAAN KALA GEEYA LA,AHAY OO KALA QARINTOODA KU DAALEE” Markii ay intaasi ugu Jawaab Celisay ayeey Kor iyo Hoos inta u Fiirisay iyada oo indhaha Kala Gedineysa Bartii ugu Dhaqaajisay.

isagi Waxa uu u ekaaday Sidii Ruux La Madax Maray Waxa uuna Marti u Noqday Badweynta Murugada Halkaas oo Lagu Casuuma Dadka Wakhtigu Ka Hiiliyay, isaga oo Marba Dhan Mowjadaha Murugada u Baacsanayaan ayaa Waxa Qalbigiisa Ku Soo Dhacday Heesta ay Wada Qaadaan Xasan Aaden Samatar iyo Alle Ha u Naxariistee Xaliimo Khaliif Magool oo Beyt Ka Mid ah Heestaasi Oraneysay

#Xalaytaba Caweyskii

#Canabeey Daruuraha

#Cimidh Bey Ahaayeen

#Caawana Laguma oga

#Wakhtigii Ku Ciiliyo

#Cisigiyo Wanaaguba

#Weys Daba Caraabaan

#Waxaana Kuu Cadeyn Kara

#Caamiyaha Indhaha Lihiyo

#Ma ogtahay Curyaankuba

#Caga Looma Waayine

#Ceynkaa Waxa Loo Yidhi

#Kuwa Cararaye Ladan

#ineey Ku Cibri Qaataan

#ee Caashaqa Ha Baayicin

La Soco Qeybta 2-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *