Home » Sheekooyin » Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 5-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 5-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Dhaqtarkii iyo Kalkaaliyayaashiisaba Markii ay Qollka Qaliinka Banaanka ugu Soo Baxeen Balse ay Talaabooyin Dhowr ah uun u jiraan Meel Aan Sidaa Ugu Sii Fogeyn Halka ay Fadhiyeen Ramlo Aabaheed iyo Walaakeed ayaa indhahoodu is Qabteen Maadaama Wajiyada labada Qoloba isku Beegnaayeen.

….Ramlo Aabaheed Dareen ayaa Galay Waxa uuna Qalbiga iska Yiri Maxaa Lasoo Sheegi Doona ilaa Geeri iyo Nolol Wax u Dhaxeeya Ma Jiraane, Balse Waxa Loogu Bishaareyay in Gabadhiisa Nooshahay, Markii uu intaas Afka Dhaqtarka Ka Hubsaday, Waa uu Dhoola Cadeeyay Deetana Farxad Darteed Ayuu Dhaqtarkii iyo Kalkaaliyaashiisiba Mid Mid u Gacan Qaaday isaga oo u Mahad Celinaya.

Mar Qura Ayuu Jawigu is Badalay Dadkii Murugada Midba Meel La Yuuraray Waxaa Badashay Farxad, Waxa ay Galeen Jawi Cusub, Aabaha Ramlo oo indhuhu Casaadeen Qalbigiisuna Muruga Hareeysay Saacidihii Qaliinka Gabadhiisa Ayaa Markaan u Muuqdo Qof Culeys Badan uu Ka Dagay.

Ehelka iyo Asxaabta Labo Labo Ayeey Markaan Sheekeysi u Galeen iyaga oo iska Wareysanayay Shilka Dhacay iyo Sababta Keentay, Laakin Dadkii Meesha Yimi Waa Laga Waayay Wax Jawaab Sax ah Keena miiska, Kutiri Ku Teen iyo Waxa ay Dhaafi Weysay Sidaas ayaa La Sheegayay oo aan Loo Laheyn Markhaatiyo Maragfura.

Darawalkii Gaarigii Ramlo Dhaawaca u Geystayna isna Farmishiyaasha ayuu Maciin Biday Si Looga Dhayo Dhaawacyo Yar Yar oo Ka Soo Gaaray Gacmaha iyo Wajiga…… La Soco Qeybta 6-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *