Home » Sheekooyin » Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 6-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 6-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Ramlo Waxaa isbitaalka Laga Seexiyay Sariir Loogu Talo Galay ineey Maalmo uun Kusii Nagaato inta Dhakhtarkii Ku Shaqada Lahaa Lasocodka Caafimaadkeeda uu Ka Fasaxayo Waxaana Maalmahaas Howlaheeda Caafimaad in ay Lasocdaan Loo Xilsaaray labo Kalkaaliye oo Midna Habeen Lagu qoray Kan Kalane Maalintii.

Xili 10:00 Fiidnimo ah Ayeey Ramlo Kusoo Laabatay Sideedii Caadiga aha Waxa Xiligaas Kor Fadhiyay Aabaheed iyo Dhowr Qof oo Asxaabta iyo Qaraabada Ahaa, Waxaa laga Wareystay Xaaladeeda Caafimaad iyo Waxa ay Dareemeyso, iyana Dhib Meysan Sheegan oo Waxa ay Tiri ”Alle ayaa Mahadda Leh Haddii uuba intaan iigu Simay”.

…..Aaabaheed ayeey Weydiisay Aabo Aaway Hooyo…… Aamus Fakar uu Ku Jiro ayuu Galay Afkiisana Jawaab uu Ku Qanciyo Gabadhiisa Bukaanka ah Waa uu Waayay..Waana ay u Cuntami Waysay in uu Aaabaha Si Fudud u Yiraahdo ”Hooyadaa Xiligii isbitaalka Laguu Soo Qaaday ayeey Naxdin La Miir Daboolantay” .

Waa Waalid Wax Dhalaye isaga oo Gabadhiisa Been ugu Beer Qaboojinaya Waxa uu Yiri ” HOOYO SAACADA KAHOR AYEEY XAAFADDA U LAABATAY, BERI SUBAXNA WAA AY KU IMAN DOONTAA EE AABE SIDAA OGOOW”.

Ramlo Hadalkii Aabehed Waa ay Ku Qanacday, Halkii ayeeyna Sheekeysi iyo Kaftan Bulsheed uu Ka Bilaabmay…… inkastoo Ramlo Sheekada Badankeed Ka Aheyd Dhageyste oo Hadalka Afkeeda Soo Marayo uu Dhibayay Hadana Si Wanaagsan ayeey Dhagaha Kagala Socotay Hadalada Madadaalada ah ee Waqtiga lagu Dilayay si aysan Cidla u Dareemin.

intii Sheekada iyo Kaftanku Socday Waxaa Dhowr Jeer Qolka Kusoo laalaabtay Mid Kamid ah KalKaaliyaashi Loogu Talagalay inuu Howsheeda Caafimaad Lasocdo Balse ku indho Daraan Daray……. La Soco Qeybta 7-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *