Home » Arimha Qoyska » U Gaar Ragga : Weli 9-kaan Eray Ma Ku Tiri Gacalisadaada , Waa Hubaal Farxad Waali Ayay Ka Qaadeysaa

U Gaar Ragga : Weli 9-kaan Eray Ma Ku Tiri Gacalisadaada , Waa Hubaal Farxad Waali Ayay Ka Qaadeysaa

Qodobada soo socda ninkii Xaaskiisa u sameeya waa uu ka dareemi doonaa muddo gaaban sida ay isu badasho, oo ay jacaylka ay u qabto uu laba jibaarto Saygeeda, Ragoow isku daya in aad si wanaagsan u Fahan taan Qodobadana una Dabaqdaan Shabakada Somlive.net kuu sahashay in ay ku soo gaarto fariintaan.

1- Waan Kaa Fikirayay : isku day in aad hesho waqti gaar ah maalintii oo aad og tahay in xaaskaada ay mashquul ku tahay shaqada guriga , soo wac una sheeg in aad ka fikireyso, waxa ay ku leedahay arintaan waxa ay ka qaadeysaa tamar (awood) dheeraad ah oo ay ku sii wadato shaqadeeda , haddii ay mashquulsan tahay ee aysan awoodin in ay telka qabato u reeb fariin , dhab ahaan waa ay farxeysaa marka ay dhageysto .

2- Catarkaada Waan Ka Helay : il gaar ah u yeelo marka lamaantaada catar cusub ay marsato , hoosta ka gili hadal qurxoon oo ah ” catarkaada aad ayuu u wacan tahay ” tani farxad ayay ka qaadeysaa waliba wax ay dareemeysaa in aad ka heshay .

3- Waxaad Tahay Hooyo Fiican: waxa ay tani dareensiineysaa in aad u hayso tix gilin ku aadan howsha ay u hayso caruurtaada , waxa ayna ka qaadeysaa awood dheeraad ah
4- Waan Ku Faraxsanahay In Aad Tahay Xaaskeyga: tani waxa ay ka mid tahay erayada ugu jilicsan ee lagu xot-xoto haweeneyda waxa ayna ka qaadeysaa farxad middii ugu sareysay .

5- Qaali Aniga Ayaa Hadda Hagaajinaya ” waa ay ku faraxdaa haweeneyda marka ay maqasho in ninkeeda uu si deg deg ah ugu dhag nuglaanayo dalabyadeeda tusaale haddii ay guriga wax ka halaabaan

6- Ha Iloobin in aad amaanto muuqaalkeeda , kuna cel celi kullamaa waqtiga ku saamaxo .

7- Hadiyad Ayaan Kuu Keenay : waxa ay Alcarabiya ku leedahay haweeneyda aad ayay u jeceshahay hadiyadda ee ninyahoow midba midda ay ka fiican tahay u keen

8- Ina Keen Aynu Wada Baxnee : haweeneyda waa ay ka heshaa marka ninkeeda ugu yeero casumaad banaanka ah , u dooro boos iyo maqaayad tan ugu fiican una diyaari nooca ay cunada ka hesho

9- Waan Ku Jeclahay : xittaa haddii aad tiraahdo haka caajisin in aad ku cel celiso , waayo dhagaheeda kama daalaan , eeg indhaheeda u sheeg in aad jeceshahay .

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

One Response to U Gaar Ragga : Weli 9-kaan Eray Ma Ku Tiri Gacalisadaada , Waa Hubaal Farxad Waali Ayay Ka Qaadeysaa

  1. shaqale Dalmar Reply

    3, June 2017 at 5:36 am

    waan ku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *