Home » Galmada » Wax Yaabaha Awooda Kulanka Sariirta Xoojiya Iyo Diinta Waxa Ay Ka Qabto.

Wax Yaabaha Awooda Kulanka Sariirta Xoojiya Iyo Diinta Waxa Ay Ka Qabto.

Qeybta koowaad : arrimo dabiici ah, sida qeyb ka mid ah cuntada , dhirta iyo wixii kale , dhibna kuma jirto adeegsida waxyaabahaasi,hadii la cadeeyo inuu dhib u leeyahay jirka waa laga fogaanayaa , sida Xadiithka Nabigeena Muxamed NNKH laga weriyay oo ah (dhib ma jiro ,isdhibid-na ma jirto) waxaa ka weriyey Ahmed iyo Ibnu Maajah (2341) waxaana saxay Albaani, waxaana laga heli karaa kitaabka Saxiix Ibnu Maajah.

Kitaabka ( Alaadaab Alsharciya) ayaa waxaa uu sheegayaa ( waxaa xaaraan ah in la isku daweeyo ama lagu indhakuusho wax waliba oo najaaso ah ,dhaahir la xarimay, ama sheey wax dhibaaya iyo wixii la mid ah).

Kutubada qaar waxa ay sheegeen faa’ida cuntooyinka qaar ay u leeyihiin in ay kobciyaan dareenka ama ay xoojiyaan galmoodka, waxaa taa tusaale u ah hadalka Alxaafid ibnu Xajar allah u naxariistee hadalkii nabigeena NNKH oo ah ( waxaa idinku waajib ah tifkani hindiya laga keenay ,waayo waxaad ka heleysaan todobo daawo) waxaa ka weriyey Bukhaari (5260) iyo Muslim (4103) ,
tifka hindiga waxaa loola jeedaa (Aquilaria) ama loo yaqaanaa (Costus) wuxuu daawo u yahay dhammaan cudurada haweenka iyo dhalmo la’aanta , waa geed dhireed ka baxa dalka India , waxaana ka mid ah Faa’ididiisa ( waxaa lagu qaaciyaa caloosha,wuxuu dhaq-dhaqaajiyaa dareenka si galmood u sameysid,wuxuu kaa dhigayaa qof fudud oo culeys ka degay iyo waxyaabo kale oo badan).

Waxaa sidoo kale waxyaabaha kale ee xoojiya galmoodka , waxaa ka mid ah xulbada, geed miroodka loo yaqaan Pistachio ee laga helo Lubnaan,Suuriya iyo Iran , geed miroodka Ceratonia siliqua oo si aad ah looga helo wadanka Masar lagana dhigo cabitaan iyo miraha qaraha oo lagu sheegay mid la dagaalama tabar darida wasmada ,wuxuuna dib u nooleeyaa dareemaha kacsiga.
Qeybta Labaad:

Daawooyin loo adeegsado , daawooyinka waa la adeegsan karaa waa hadii aaney ku jirin wax maanka bani’aadanka badali kara ama jirka dhib u geysan kara , isticmaalka daawooyinka waxaa haboon in dhaqaatiir lagala kaashado.

Dadka qaarkood waxa ay aad u adeegsadaan Kaniiniga Viagra, iyagoo aan la tashan wax dhaqtar ah , waxaana dhici karta in waxyeelo uu u geysto wadnaha.

Dr. C/llaahi Alnuceymi oo ka howlgala Isbitaalka Milatariga ee Zayed ee ku yaala Magaalada Abu dhabi ee caasimadda imaaraat-ka Carabta ayaa waxa uu sheegay in kaniinigaasi uu dhib weyn leeyahay , baaritaan laga sameeyay wadanka Canada ayaa waxaa la baaray dad ku dhow 8500 ruux , waxaana ay sheegeen inay la soo gudboonaatay Madax xanuun, kuleyl wejiga ah,gubasho iyo dhibaato dhanka dheefshiidka ah).

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *