Home » Hindi » WIIL & AABIHIISA: Sunny Doel Oo Wiilkiisa Ka Caawindoono Filimkiisa Koowaad (Muxuu Ku Saabsan Yahay Filimkaan?

WIIL & AABIHIISA: Sunny Doel Oo Wiilkiisa Ka Caawindoono Filimkiisa Koowaad (Muxuu Ku Saabsan Yahay Filimkaan?

Wiilka uu dhalay Sunny Deol ee lagu magacaabo Karan Deol ayaa keenidoona filimkiisa koowaad ee Bollywood-kawaxaana filimkaan lagu magacaabaa Pal Pal Dil Ke Paas , waxaana filimkaan kasoo muuqandoona aabaha dhalay Aktarkaan.

Filimkaan waxaa shaqadiisa oo dhan qabandoona  Zee Studios iyo Dharmendra, waxaana la wada sugayaa sida uu wiilka dhalay manaxaha Bollywood-ka Sunny Doel uu u shaqeyndoono.

Aktarka weeyn ee Sunny Doel iyo wiilkiisa ayaa sawir wadaagay waxaana ay soo dhigeen barta Twitter-ka sidaasi darteeda waxaana ay xaqiijiyeen in shaqsiyaadka isdhalay filim wada keenidoonaan.

‘’Waxan bilaabnay Project-ga xiga waxaana uu noqondoonaa filimka koowaad ee Karan, naguma filna wali  ,wiilkeeyga waxaan ku korindoonaa jaceeyl dhameeystiran,’’ ayuu Sunny ku qoray bartiisa.

Kaalin weeyn ayuu Sunny ka geeysandoonaa bandhiga iyo soo bixitaanka wiilkiisa da’da yare e Karan.

Filimka Pal Pal Dil Ke Paas ayaa la rajeeynayaa inuu noqdo filim jaceeyl waxaana qeeyb kamid ah Goos Gooska Filimka la daawandoonaa sanadka cusub ee soo socda bisha Fabruary maalinta Jaceeylka Aduunka.

 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *