Home » Fariimo Jaceyl » Farriimo Jaceyl Oo Qalbiga Looga Soo Ridi Karo Qof Aad Jecashay , Xariirkeena Ma Aha Game Ama Eray La Iska Yiraahdo Iyo…

Farriimo Jaceyl Oo Qalbiga Looga Soo Ridi Karo Qof Aad Jecashay , Xariirkeena Ma Aha Game Ama Eray La Iska Yiraahdo Iyo…

Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta aheyd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada .

2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo , ma ah eray la iska yiraahdo , ma ah mid bilaawda June oo dhamaanaya July , ogaaw waa beri ,waa shalay , waa maanta waa mar waliba.

3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysaa in aad i jeceshahay ,haddii aad xafido (save gareysato) waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay ,haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto lol .

4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).

5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo

6- macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala kaala wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)

7- Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan ku hayo kugu soo dhiibo Pastman (kuwo warqadaha qaada) balse waxa uu igu yiri aad ayuu u culus yahay.

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *