Home » Fariimo Jaceyl » Farrin Jaceyl Oo Calaal Ah : Waxaan Hamiyaa In Aan Noqdo Illintaada ,Hal Arin Ayaana U Sabab Ah .

Farrin Jaceyl Oo Calaal Ah : Waxaan Hamiyaa In Aan Noqdo Illintaada ,Hal Arin Ayaana U Sabab Ah .

* Qof walbo aan isku dayo in aan la Hadlo adigaan ku Moodaa mana aqaano sababta.

*Aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waqti walbo adigaan kaa fakaraa dadku way ila yaabaan waqtigaan adiga kaa fakarayo!!

* Farxadeydiyey aniga waan ku Jeclahay waxaan kuu Jeclahay sida aad u Jeceshahay nafsadaada oo kale ,iftiinkii nolosheyda ayaad tahay ,Adiga Murugteyda ah adiga, Farxadeyda, ah ,Xanaaqeyga Raali ahaanshisiisa waa adiga, Jiradeydana Adigaa Daawo u ah , waxaan u Noolahay Adiga dartaada, .

*Qaaliyey Nolasha waa Qaali Da`duna waa siidii Ubixii oo kale Nolashaan ad u jeedo waa Maalmo kooban Jaceylkana waa hal mar ixasuuso Marwalbo haddaan ahay qof la Xasuusto.

*Aad ayaan kugu xiisay marwalbo waxaan hamiyaa inaan noqdo ilin ka dhalata indhahaaga kuna noolaado Dhaforkaaga korkiisa, kuna dhinto Bishimahaaga Korkooda.

*Waan ku Jeclahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog,intaba adigaan ku jeclahay .

*Aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waa tahay Nolasheyda iyo Qalbigeyga ,Gaclisadeydiyey adiga waxaa tahay Jaceylkeyga ugu horeeyey ugana dambeeyay waqti walbo xagaagi ayaan ahay ,Gacalisadeydiyey Hadaadan adiga ila joogin wax farxad ah ma sameeyi .

*Waligeyga kuma iloobi doono Maalin walbo iyo Saacad walbo ilaa ay geerida iga timaado

*Gacaliso Nolal ma jirto adiga la`aantaada Qof ma jiro aan nolasheyda ku aamini karo ilaan adiga ka aheyn waxaa tahay Qalbigeyga iyo Nolashyeyda Ha igu kalifin inaan u dhinto Jaceylkaaga Dartiisa.

Waxaa Qortay

Fardowsa Maxamded Abdule(Fardowsa Tina)

fardowsatina@yahoo.com

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *