Home » Sheekooyin » Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 7-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

Sheeko Jaceyl Taxane Ah :Qadarta Eebe Qofna Ha Ku Nicin Waayo Dunida Waa Ay Wareegtaa ,( Qeybta 7-aad ) Iyo Xaaji Tahriib

intii Sheekada iyo Kaftanku Socday Waxaa Dhowr Jeer Qolka Kusoo laalabtay Mid Kamid ah Kalkaaliyayaashii loogu Tala Galay inuu Howsheeda Caafimaad lasocdo Balse ku indho Daraan Daray Quruxda Ramlo, laakin Waa uu isbarqabtay Waxa uuna Niyadiisa u Sheegay ineeysan Deg Degsiimada Wanaagsaneyn, Xiligana aysan aheyn Waqti Ku Haboon in uu Bixiyo Sawir Jaceyl

Dhanka Kale Dhalinyaro Asxaabta ahaa oo iyaguna Kamid ahaa Dadkii La Joogay Ramlo Ayaa Dareemay in Ninkan Kalkaaliyaha ah Si Wax Ka Yihiin, Balse indhaha ayaa Leyska eeg eegay oo Qalbiga laga Sawirtay Wax Jira iyo Waxaan Jirinba.

Maalmo Kadib Ramlo Hooyadeed Waa Caafimaaday, Ninkii Gaariga Jiirsiiyay Ramlana Reerka Waxa uu u Keenay Xooga Lacag ay Gabadhooda Ku daweystaan.

Xaallka Ramlo Maalinba Maalinta Ka Danbeysa Waa uu Soo Hagaagayay Waxa ayna Haatan Joogtaa Heer ay Gacanteeda wax Ku Cuni Karto, Sidoo Kalane Socod aan Dheereyn ayeey Galbihii Ku Sameysaa Gudaha isbitaalka.

intaa Waxaa u Dheeraa Kalkaaliye Maxamuud Waxa uu Gabadha ka Caawiyaa Wax Walbo oo ay uga Baahato Gudaha isbitaalka, Waxa ayna Sheekadu Noqotay mid ay Wada ogaadaan Shaqalihii Cusbitaalka iyo Dadkii Soo Booqnayay Bukaanka, Laakin iyada Waxa ay intaasi oo Samafal ah oo uu u Sameeynayay Kalkaaliya Maxamuud u Fasiraneysay in Howshii Caafimaad ee Loo igmaday uu Gudanayay, isagana Waxa ay Ka Aheyd Dabino uu Ka damacsanaa in Mar uun ay Kusoo Dhacdo.

Ramlo Wanaagi Kalkaaliyaha u Sameynayay Waxa uu Ku Noqday Waran Jaceyl oo ay Garan Weysay Meel uu Kaga Yimi Dareen Bini,aadanimo ayaa Galay Waxa ayna la Dhacday Sida Kalkaaliye Maxamuud Had iyo Jeer Caafimaadkeeda u Daba Joogo, ….Waxa ayna Qalbiga iska Tiri Dunida Waxa ugu Qaalisan Waa Caafimaad Ruuxa Caafimaadkaaga Daneynayana Waa Ruux Jacel in Aad Baaqi Kusii Ahaato Dunida Ayaamaha Kooban ah.

Waasuge oo isagu Dhowr Jeer Rabay in isbitaalka uu Kusoo Booqdo Ramlo ayeey usuuro Gali Waysay Kadib Markii Dhowr Qofood oo isbitalka Soo Aadayay ay Kasoo Dhuunteen Laakin ugu Danbeyn Maanta Boorka Ayuu iska Soo Jafay Bacna Horey Wax ugu Soo Qaaday si u Gudoonsiiyo inanta Bukanka ah Laakiin Waxa uu La Kulmay Markii uu Tagay Qolkii Ramlo Kalkaaliye Maxamuud iyo Ramla oo…….. La Soco Qeybta 8-aad

Qoraaga Sheekadaan Xaaji Tahriib Halkaan Kala Xariir  Facebook Ahaan 

 

Haddii warbixintaan ay ku qancisay fadlan asxabtaada Facebook, Viber ,WhatsApp Iyo Twitter U Sii Gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *