Home » Arimaha Qoyska » Waa Noocee Jaceyka Ay Xaaskaagu Kaaga Baahan Tahay

Waa Noocee Jaceyka Ay Xaaskaagu Kaaga Baahan Tahay

Nimanka waxaa badi ku adag in ay gartaan waxay rabto xaaskoodu. Waxaa dhacda iyana sidoo kale in ayna iyadu usheegin waxay uga baahantahay isaga, markay wax usheeganaysana waxay usheegataa oo ay udirsataa kali ah hawl iyo adeeg, oo waxay yareysataa arimaha ku saabsan dareenkeeda, wada jirkooda iyo jaceylkooda.

Hadaba hadey garan weydo iyadu in ay dareenkeeda kuu sheegto, taas lagaba yaabo in ay ugu wacantahay hawlaha badan ee ay ku jirto ama sugaya daraadood, ha iloobin baahideeda iyo in aad weydiiso ileen ninkeedii baad tahaye. Ogowna waxay ku daalayso waa gurigaaga iyo caruurtaadee.

Hadii aad adigu ilowdid taas oo ay iyaduna yareysato oo aad naftiina saa ku ilowdaan, waxaa imaanaya dhexdiina muran, xanaaq kadibna waxaa dhexdiina ka dhalan mashaakil iyo isfahan waa, gurigiinana waxaa ku yaraanaysa farxada iyo jeceylka..

Gabadhu mar walba waxay ka rabtaa ninkeeda in uu dareensiiyo xasilooni, jaceyl iyo ihtimaam badan. Amaanta iyo hadalka macaan ee uu ninkeedu ku dhahayo iyadana, waxay ku caawiyaan in ay u adkeysato ama ay ilowdo dhibaatooyinka ay nolosha kala kulmeyso.

Ogow baahida dumarku waa isku mid e, ha ahaato mid yar oo ay da deedu jirto18 ama mid wayn oo ay da deedu jirto 45. Dadka badankoodu waxay moodaan, haday gabadhu kor udhaafto 45 sanno waynaato in ay baahideedu ku koobantahay cunto iyo labis, oo aysan wax kale uga baahnayn ninkeeda. Saas daraadeed ogow baahida xaaskaagu waa meesheedi ha weynaato ama ha yaraatee!

Waxay kaaga baahantahay:
Dareensii in ay saaxiibadaa tahay:

Dareensii in aysan jirin cid kale oo aad usheegatid sirtaada, mushkilaadkaaga iyo farxadaada.

Dareensii in aad ubaahantahay caawimaadeeda.

Usheeg mar walba dareenkaaga.

Tus dhankaaga dabacsan sida in aad ku ag oydid haddii ay murugo ku haysato.

La qaybso farxadaada tusaale marka wax laguu bishaareeyo.

Ku seexo dhabteeda markaad walwalsantahay.

Usheeg waxaad maalintaada lasoo kulantay, hana umaleyn in uu bilaa micne yahay, ee xageeda wax muhiim ah ayuu ka yahay. Ogowna sida ay gogoshu (galmadu) muhiim kuugu tahay in ay iyadana muhiim ugu tahay wada hadalkiinu.

Waydiiso talada hadey arin kugu adkaato.

Usheeg in ay iyadu tahay saaxiibadaa oo aad iyada kaliya ku kalsoontahay.
Maqashii hadal macaan:

Macaaneey ma ii keeni kartaa!!

Qalbigaygii, caruurta aan seexino aan wada farisanee!!

Indhaheyga doogoodiiyey ku aaway!!!

Iftiinkii noloshayday kaalay aan wada hadalnee!!

Illaahay igama kaa qaado, la aantaa maxaan sameyn lahaa.

Dhagaheedu ha bartaan in ay kaa maqlaan hadalada macmacaan iyo amaanta, kuwaas oo iyada dareensiinaya xasilooni iyo farxad qalbigeeda.

Sir ma kuu sheegaa ninyohow? Hadey xaaskaagu hadal macaan mar walba kaa maqasho, waxay ku dadaali in ay wax fiican kuu sameyso oo ay ku fakari in ay kuu qabato wax kaa farxiya.
Si naxariis leh u taabo:

Markey kula hadlayso ama aad adigu la hadlaysid xaaskaaga, gacmaha ama timaha u salaax.

Adoo udhoola cadeynaya eeg xaaskaaga markaad la hadlaysid, gacmaheeda qabso markaad usheekeyneysid.

Dhabtaada saar iyada markaad wada fadhidaan fadhiga. Dhunko mar walba oo ay wax kuu qabato.

Baro mar walba oo aad baxaysid ama aad soo galaysid guriga in aad dhunkatid xaaskaaga.

Hadaad is ag fadhidaan iska dhig mid wajigeeda wax ka tirtiraya ama usalaax madaxa.

Ogow! Waxyaalahaas oo dhan waa waxa jaceylka iyo xiisaha siyaadiya.
Ihtimaam sii iyada markay ehelka iyo dadku joogaan:

fiiriya xaaskayga cuntada ay karisay ee cajiibka ah

xaaskaygu waxay tiri Illaahay kheyr ha siiyee .

sidaas ayey sameysay maxaan sameyn lahaa la aanteed

aad ayey ii caawisaa, kheyr Illaahay ha siiyee

Tus ehelkaaga ama ehelkeeda sida aad ugu faraxsantahay xaaskaaga, markaas waxay dareemi xaaskaagu farxad, waxaanan kuu balan qaadi in ay aad kuu jeclaanayso.
Ra yigeeda dhegeyso oo ixtiraam:

xabiibti aniga ma ila fiicna arintaas oo saas ayaan yeeli, laakiin kaaga waa ra yi jira oo waan ixtiraami inkasta oo aanan qaadanaynin

walaal way fiicantahay arinta aad sheegaysid, laakiin kuma qanacsani

cuyuuni waan fahmay waxaad sheegaysid, laakiin ma sameyn karo, sababtoo ah sida aad u aragtid uma arko inkastoon ixtiraamayo ra yigaaga

Waxaa dhici karta in aad isku khilaaftaan ra yiga, laakiin waa in aad ixtiraamtaa ra yigeeda, hadaad rabtid ha qaadan laakin tus in uu yahay ra yi oo aad ixtiraamaysid.

Markay hadlayso dhageyso oo isku day in aad fahanto ra yigeeda. La dood si dagan oo ka wada hadla, hadduu kula fiicnaado waad qaadan haduu kula xumaadana ixtiraan ra yigaas.
Caawi xaaskaaga, hadii kale ilowsii daalka:

Anigu kuma oranayo jikada gal ama cunto kari ama dhulka masax ninyohow, laakiin waxaan kuu sheegi waxa aad ku caawin kartid xaaskaaga sidan:
Caruurtaada casharka ka caawi, ka warhay waxay qabtaan ama qasaan oo tarbiyadooda ka caawi.
Soo iibi alaabta adeega guriga, hana bixin ilaa aad oogaatid wuxuu ubaahanyahay gurigu oo adeeg ah.

Adigu samee wixii rakibaad ah ee uu gurigu ubaahanyahay. Haday dhacdo in aad mashquul noqotid oo aad sidaa darteed ucaawin waydid xaaskaaga, waa muhiim in aad ilowsiisid daalka sida in aad duugtid, in aad hadiyad yar ukeentid, oo aad ku tiraahdid waad mahadsantahay sababtoo ah waad icaawisay, waan ku jeclahay oo Illaahay igama kaa qaado kadib dhunko iwm.
Jeclaysii in ay kuu raacdo sariirta:

Iska ilaali in ay kaa dareento in aad rabtid jirkeeda kaliya. Tus in aad iyada rabtid oo aad iyada jeceshahay. Dareen xun ayey dareemaan dumarku marka ay nimankoodu sariirta iskaga kexeystaan, oo ay jirkooda waxey doonaan ku sameeyaan, kahor iyagoon jaceyl iyo ihtimaam tusin.

Saas daraadeed intaanad sariirta la aadin, la samee faraka cayaar, la kaftan, si jaceyl ah utaabo, dhunko, hadal macaan ka dhargi dhagaheeda, la cayaar, sidaa samee qiyaasta nuse saac waxaad arki iyadoo kula jecel arinta aad rabtid.

Ugu dambeyntii:

Qolkiina hurdada ha keenina ama hakaga hadlina mowduuc dhib keenaya, iyadu hadey kugu furto ku dheh xabiibtii hadhow ayaan ka wada hadlaynaa hada daqiiqadahan aan is jeclaano oo aan nasano!

Dumarku wax ma iloobaan, oo hadduu ninkoodu maalin dhaawaco ama si xun ula dhaqmo, raad ayey ku sameyneysaa naftooda, sidaa darteed ufiirso sida aad ula dhaqmaysid xaaskaaga.

Waana muhiim in aad jaceyl badan tustid oo aad hadal macaan maqashiisid xaaskaaga intaadan ugu yeerin sariirta.

WQ:Sucaad A Maxamed

Khadijahome

Share on Facebook

Comments

9 Responses to Waa Noocee Jaceyka Ay Xaaskaagu Kaaga Baahan Tahay

  1. zaakias Reply

    1- January- 2013 at 9:11

    Somalian mayse shey canfokul jayvith fad as probliim akvite futsek amil somalian mayse yunaiy yubous

  2. saamiya Reply

    31- December- 2012 at 9:11

    alla maxaad is camirtaan ragow marki la idin dhaho ma ku jiraan nin sidaas oo kale ah kii ahaa iyo kii kaleba waad iska dheh uun no romantic

  3. No name Reply

    31- December- 2012 at 9:11

    se cml asxaabta

    Sucaad ma ahan qofka hindisay ama soo saaray qoraalkaa muhiimka ah, lkin waxay ka soo xigatay khadijahome.com

    marka khadijahome iyo maamulkeda ayaa mahadaas iska leh, sucaadne marka labaad ayee mahada leedahay, madama asxaabta alcarabiya u soo guurisay.
    thnks all

  4. Najib Reply

    31- December- 2012 at 9:11

    Samiya aniga ayad iga heleysa waxas dhamal mcney

  5. Najib Reply

    31- December- 2012 at 9:11

    Masha alah sucada cadey

  6. Abdiriq saneey Reply

    30- December- 2012 at 9:11

    Asc dhaman bahda gar ahan waxa aan u mahad cilina gabarta soqortay farintan ku yelatay darenkeyga nolo med run ahanti waxa ahay nin aan wali gur san marka waxa nolsha ku wanagsan siada qof sucad camal ah hadi jago ka balantahay fahan ciwankan iga soxarir hadi buxdana waa qor wali walal tinimo

  7. C/qaadir axmed abuukar Reply

    30- December- 2012 at 9:11

    Waaw wa nagala helaaa arintaaan saamiyo anaa iga heleee lkn adiga diyaar mahadsanid sucaaad thanks ayaan ku leeyahay

  8. saamiya Reply

    29- December- 2012 at 9:11

    waaaaaaaaaaaw raga soomaliyeed hadii intaa laga heli lahaa fiicnaan laheyde wanaag wanaag ku badal ahaa

  9. Ciyaarjecel Reply

    29- December- 2012 at 9:11

    Xaqiiqdii waa sida ugu haboon ee xaaskaaga aadku kasban kartid waana ku raacsanahay sucaad oo ah qofka qoray maqaalkan masha alah sucaad aankula kaftamee adiga xaas maa tahay mise boos waakaa banaanyahay jwbta emailkeyga iigu soo dir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>