Libaaxa Brazil ee lala xiriirinayay inuu ku biiro Chelsea Taison ayaa booqday Chelsea waxaana uu xiisaynayaa inuu ku biiro kooxda Champions-ka.
Daniel Sturridge ayaa la filayaa in si rasmi uu ugu dhaqaaqo Chelsea markaasna kooxda waxaa ay u baahnaan doontaa Weeraryahan Cusub.
Taison ayaa ah Ciyaaryahan ka ciyaara Weerarka dhexe waxaana uu hada ka tirsan yahay kooxda Ukraine ee Metalist Kharkiv .
“Waxaan aaday England),Todobaadyo ka hor,si aan aan u soo qiimeeyo xaalada,Waxaan la hadlay Madaxwaynaha,waxaa arkay Oscar kaas oo aan kasoo wada ciyaari jirnay Internacional,Waxaana doonayaa inaan markale aan iska garab ciyaarno sidaas Sky ayaa ka soo wariyay Taison.
Chelsea ayaa labo bil ka hor shaacisay in Taison ay badal uga dhigi doonto Wiilka howlgabka ah ee Benitez uu carbaabinayo ee Torres walina waa ay ka fiirsanaysaa Chelsea weeraryahanka ay kala soo wareegayso suuqa.
Share on Facebook