Home » Cayaaraha » Casillas ” Waxaan Geed Dheer Iyo Mid Gaaba U Fuulayaa In Aan Booskeyga Real Soo Ceshto”.

Casillas ” Waxaan Geed Dheer Iyo Mid Gaaba U Fuulayaa In Aan Booskeyga Real Soo Ceshto”.

casalGo’aanka adag ee uu qaatay Macalinka Real Madrid Mourinho ayaa ku dhalisay in goolhaya dalka Spain iyo kabtanka Real Madrid Iker Casillas inuu u hogaansamo hadalada kulul ee Ninka Portugal uu ku adkaysanayo in laga fiican yahay isaga.

Iker Casillas ayaa garaystay in booskiisa uu u dagaalo ilaa uu ka kasbado rabitaanka Macalinka si loogu daro 11-ka xidig ee ciyaaraya kulanka soo aadan ee Real Madrid ay ciyaarayso.

Wuxuu sheegay kabtanka Real Madrid inuu doonayo in booskiisa laga baxsaday inuu dib u soo ceshto taasna uu u galo halgan fara badan waxaana warkaan uu ka sheegay Shirjar’aaid uu qabtay.

Goolhayihii koowaad ee Real Madrid ayaa maanta waxaa ay ka taagan tahay heer uu ka fikiro in tababaruhu uu ku soo daro ciyaarta Axada balse Mourinho ayaa ka doorbidaya goolhaye Adan oo kulankii Malaga la safay.

Mou ayaa ah tababare Xukun adag ,go’aankiisana waa mid ciyaaryahanada Real Madrid ay ka cabanayaan.

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>