Home » Arimaha Qoyska » Hadaad Calamadahaan Ku Aragto Naag Kale Ayuu La Socdaa , Hurdada Ka Kac

Hadaad Calamadahaan Ku Aragto Naag Kale Ayuu La Socdaa , Hurdada Ka Kac

xariifHaweeen badan ayaa ku jahwareersan in ay ogadaan marka ninkoodu is gaad gaad kale uu ku jiro oo qiyaano qoyseed uu sameynayo balse hadaad dhowrkaan tilmaan ku aragto qofyaheey xaalkaada ma fadhiyo ee hurdada ka kac .

 
1- Caadiyan waxa uu kaa dalbanayaa in aad fursad siiso si kaligiisa uu u noqdo , waxa uuna mar marsiyo ka dhiganayaa in uu doonayo in uu ka fikiro mustaqbalka qoyska iyo caruurta iyo wax yaabo la xariira .

 
2- Marka uu guriga yimaado waxa uu sheekada ka bilaabaya in uu leeyahay kulamo dhowr ah oo shaqada ah uuna doonayo in uu ka qeyb galo , gurigana waa uu ka soo dib dhacayaa.

 
3- Waxa uu ku mashquulaa labiskiisa iyo jirkiisa , waa kan isaga oo dhar soo iibsasho ka bixi weysan oo aan horay loogu arag , gurigana ma saldhiganayo .

 
4- Waa uu ka dib dhacaa shaqadiisa , waxa uuna keenaa sheeko ah maalmaha fasaxa in uu jiro kulan deg deg ah ayna muhiim tahay in ka qeyb galayo .

 
5- Dabeecad nooc kale oo xanaaq iyo neerfoosanimo ayuu la soo baxayaa oo uusan horay u laheyn .

 
6- waxa uu dareemayaa in xaaska xoogaa shaki uu galay markaas ayuu xaaska fursad u siinayaa in qalabkii guriga badasho oo alaab cusub ku badasho waxaas oo idilna waxa uu uga gonleeyahay ayay alcarabiya ku leedahay in niyadeeda uu ku mashquuliyo guriga .

 
7- Ma jeclo in telkiisa gacanta ka dheeraado mar waliba hoosta ayuu ku hayaa hadii wicitaan ay ku soo sameysana qoftiisa kale waa kan isaga oo xaaska kala fogaanayo .

Share on Facebook

Comments

6 Responses to Hadaad Calamadahaan Ku Aragto Naag Kale Ayuu La Socdaa , Hurdada Ka Kac

  1. mudane hanad Reply

    January 4, 2013 at 9:11

    asc marka hore waadkumahad santihin waxtarka ad bulashada uhaysaan wana idinku tagersanahay shaqadiina bahda al-carabiya

    marka xiga aniga wxn codsan lahaa hadii la awodo in la iigajwabo su’ashayda oo ah sidee ayaan ku ogaankaraa lamaantayda oo wadankale igajogta inay sida shekadaa ninkaa odayga ah ookale inay is gaad gaad wado cml ? thanks again …..

  2. Cabaas yare Reply

    January 3, 2013 at 9:11

    Asc sln kadiib walala yaal aniga oo joogo wadanka south africa majecli sheekada lagu qoro wabseedkaan naag la aan aawgeed

  3. Shaanshiyare Reply

    January 2, 2013 at 9:11

    Waa suaal aad u wanaagsan saaqane weyku mahadsantahy

  4. Saaqaluul Reply

    January 2, 2013 at 9:11

    maashalaah waan fahanay tobigan waana marka uu ninka kula nool yahay astaamahan haduu uu la yimaado inuu gaadgaad ku jiro,, balse suaal baan qabaa sidee lagu ogaan karaa in ninku qiyaano qoyseed ku jiro hadiisan kulka noolayn ood laba wadan ku kala nooshihiin fasaxyada uun guriga yimaado? bal taasi wax iiga soo sheega,, waana mahadsadtihiin dhamaan bahda alcarabiya,.

    • admin Reply

      January 2, 2013 at 9:11

      @saaqaluul taasna waan soo wadnaa maalmaha soo socda waa iyana mowduuc u bahaan in dabagal lagu sameeyo thnks – bahda alcarabiya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>