Johan Djourou ayaa lagu wadaa inuu ka tago kooxda Arsenal kuna biiro kooxda Hannover Si amaah ah 48 saac ee soo socota.
Kooxda Bundesliga ayaa xaqiijisay doonista 25 jirkan inay la wareegayso bishan January.
Johan Djourou ayaa Arsenal u saftay labo kulan xili ciyaareedkan waxaana booska ka baxsaday ninkan ku wareeray kursiga kaydka Vermaelen, Laurent Koscielny iyo Per Mertesacker.
Madaxwaynaha kooxda Germany Martin Kind ayaa sheegay inuu dhiman yahay heshiiska Arsenal ay kala soo wareegayaan Daafaca u dhashay Switzerland.
“Aniga waxaan awoodaa inaan xaqiijiyo inaan si weyn u xiisaynayno la wareegida Johan Djourou “Sidaas Bild ayaa laga soo xigtay.
Djourou heshiiska uu kula jiro Arsenal ayaa waxaa uu dhacayaa sanadka 2015.
Share on Facebook