Home » Arimaha Qoyska » Fiska Oo Ka Maseerisay Hanuuniye , Jaceylka Kala Dhaxeeya Caydaruus Oo Banaanka Yaal -Daawo

Fiska Oo Ka Maseerisay Hanuuniye , Jaceylka Kala Dhaxeeya Caydaruus Oo Banaanka Yaal -Daawo

cawwwwBarnaamijka Caweyska London oo si toos ah toddobaadkan uga baxay TV-ga HCTV, ayaa waxaa marti ku ahaa 4 fanaan oo kala ah Nimco yaasiin, Ikraan Caraale, Farxiya Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

 
Barnaamijka inta uu socday ayaa sir fakatay, kadib markii Nimco Yaasiin oo lagu soo dhaweeyay mikrafoonka sheegtay in laga hormariyo “Familka” oo ay kala jeeday Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus Halyeey.

 
Markii eraygaas uu ka baxsaday afka Nimco Yaasiin, ayaa kaamirada qabatay Ikraan Caraale oo si hoose u taabaneysa Nimco Yaasiin oo ay kala jeeday “Baaq” waxa ayna si hoose u tiri Ikraan Caraale “Balaayo Ku Aragtay” iyadoo ka naxsan sirta ka fakatay Nimco.

 
Farxiyo Fiska iyo Ceyduruus oo naxdin darteed indhaha taag-taagaaya, ayaa waxaa hobseedka ka bixiyay Cali Seenyo oo ahaa wariyihii barnaamijka waday, isagoo si reer magaalnimo ku jirto, Heesta “Jeedaali” oo ay si talan-taali ah u qaadan labada fanaan kusoo dhaweeyay.

 

 

HALKAAN KA DAAWO SIRTA FAKATAY EE FISKA IYO CAYDARUUS .

 
Markale muuqaalkan waxaa ku daawan doontaan, Nimco yaasiin oo sheegeysa in Fiska Xaajigeeda uu la joogo, balse Ikraan uu ka maqan yahay, waxaana u camirtay Ikraan oo tiri Fiska Xaajigeeda waa nala joogaa oo “maba naga foga hadda”, iyadoo kala jeedda Ceyduruus Halyeey.

 

 
Inta uu barnaamijka socday, ayay Fiska ka qaadday heeso “bilaa Music ah” oo ay ka dalbadeen daawadayaasha soo wacay barnaamijka, waxaase laga dareemaayay in ay heesaha oo dhan ay u qaadeesay gacaliyaheeda Ceyduruus oo ay isha ku xad-xadeysay.

 
Jaceylka ka dhaxeeya Ceyduruus iyo Fiska ayaa waayadaan dambe aad usoo shaac baxay markii Fiska iyo Bashiir Hanuuniye kala tageen, waxaase si cad sheekada hadda u fashiliyay Nimco Yaasiin iyo Ikraan Caraale.

Share on Facebook

Comments

6 Responses to Fiska Oo Ka Maseerisay Hanuuniye , Jaceylka Kala Dhaxeeya Caydaruus Oo Banaanka Yaal -Daawo

  1. Sule Reply

    January 6, 2013 at 9:11

    Jacaylka fiska waa labocisho cadarusna waykatjgidoontaaye bashiirow hadag dagin

  2. Husein akhyaar Reply

    January 5, 2013 at 9:11

    Farxiyo fiska alla yaa iikeena kenya anaa qaad/ jaad fresh ah ka dharjin lahaa naagaha marqaamo aya ugu dhowtan fiican aniga bashir hanuniye waan ka GUSWEYNAHAY fiska aanaa qancin kara

  3. hasno Reply

    January 4, 2013 at 9:11

    Nimco yaasiin waa ka dhacsaneyd markay sirta sheegaysay sheekadana waa sheeko lagu xumeynayo bashiir haniinye lakiin bashiir waa lucky waayo ilaahay baa farxiyo fiska waday maba uu qabin karin naag maalin walba kilo qaad ah rabta marka ceydaruusna maalmuu ku moodayaa farhiyo fiska murwo ma noqon karto haday hooyo wanaagsan tahay carrurteedii barqo kama soo tagteen iyo wadaadkii qabay balwadlee ka dooratay mustaqbalkeedii ilkaheeda lee muraayad ha ku eegto madoobaaday say kilo gaangeytaa u cunaysay yahuu fiska has no future intay 5 days qaad dulfadhido

  4. Husein akhyaar Reply

    January 3, 2013 at 9:11

    Bashiir hanuuniye wey ku daadsantahay farxiyo fiska garoob maba noqon karto xataa aniga toosh baan ku raadinayaa maal,qabeen waan ahay hanuuniye ha,kugu taagnaato

  5. Nuurdiin03 Reply

    January 3, 2013 at 9:11

    Kkkkk yaab aa kadhacay meshaas lolzzzzz

  6. Cabaas yare Reply

    January 3, 2013 at 9:11

    Waryaa waxaas wabeen maxayeelay fanaan isma jec laado ee waxeey rabaan meelmarsiinta hees cusub oo nagu soo footle kkkkkk igadi mayan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>