Tababaraha kooxda Man City Roberto Mancini ayaa shaaca ka qaaday in City ay xooga isugu geyneyso sidii ay u soo xero gilin lahaayeen laacibka Napoli Cavani .kaasi oo tan iyo xagaagii hore ay baadi goobayeen .
Roberto Mancini ayaa xaqiijiyay in si weyn uu ugu qanacsan yihiin laacibkaasi oo uu sheegay in uu yahay weerar yahay dhameystiran .
Sidaas oo ay tahay Cavani bilaawgii xilli ciyaareedkaan ayuu qandaraas cusub u saxiixay kooxda balse waa uu ka huleeli karaa kooxda haddii City ay buuxiso shuradaha laacibka ee lagu jibin karo hishiiskiisa haatan ee Napoli kaasi oo gaaraya 51-milyan oo gini .
Share on Facebook