Tababaraha KMG ee kooxda Chelsea Rafa Benetiz” ayaa shaaca ka qaaday in uu doonayo daafaca kooxda Chelsea Richards xilli laacibka haatan uu kooxda uu kaga maqan yahay dhaawac .
Kooxda City ayaa warka ka soo yeeray tababaraha Chelsea ku tilmaamay mid aan macquul aheyn laacibkuna uu baaqi ku sii ahaanayo kooxda Man City .
Waxaana shakigaan keenaya ka dib markii laacibka la arkayay isaga oo jooga garoonka Chelsea iyadoo uu daawanaayy kulankii xalay ee ay la lahaayeen QPR .
Dhanka kale daafaca City Zabaleta ayaa shacaa ka qaaday in City aysan ka rajo dhigan horyaalka isla markaana ay ka go`an tahay in ay labeystaan horyaalka inkastoo United ka sareyso 7- dhibic .
Waxa uu sheegay Zabaleta in aysan todobaadaas dhibic wax weyn aheyn maadaama horyaalka uusan dhamaan , iyadoo uu ku booriyay ciyaartooyda City in ay xooga saaran in ay badiyaan kulamada soo socda.