Xubinteena Arimaha Bulshada Qaasatan Dhinaca Jaceylka Waxaana Todobaadkaan Ku Soo Qadanaynaa ”’Sideed Dhambaal Barasho Ugu Bandhigi Laheyd Gabadha aad Ka Hesho”
Barbaartaba Dhamaantood Kalasoo Dhex Baxdayee Kugu Beertay Howlaha.Dhambaalka Barashada Waa Dhambaal Aan Ugu Talo Galay In Ay Ka Faa’ideystaan Dhamaan Bahda Ku Hadasha Afka Soomaaliga Gaar Ahaan Dhalinyarada Oo Baahi Weyn U Qaba Habkii Ay U Bandhigan Lahaayeen Barasho Kalgacal Hadii Ay Maagaan. Waxadna Dhambaalkan Kaga Bogan Doontaan Talaabooyinka Ugu Haboon Ee Loo Baahanyahay In La Sameeyo Bilowga Barashada Kalgacalka.
Kahor Inta Aadan Barashada Bandhigan Waxa Jira Qodobo La Adkeynayo Ku Dhaqankooda Hadii Qodobadaasi La Waayo Waxa Xaqiiq Ah In Ruuxa Aad Baro Is Leedahay Uu Kaa Shakiyo Isla Markaana Uu Ku Rumeysan Waayo Sidaa Darteed Waxaa Kula Gudboon In Aad Fiiro Gaar U Yeelato Qodobadan Soo Socda:
1: Isku Taxaluji Ama Ku Dadaal Sidii Aad Barashadadaada Si Toos Ah Oo Aan Gambasho Laheyn Ugu Bandhigan Laheyd Taasi Oo Aan Uga Gol Leeyahay Si Fool Ka Fool Ah Ula Kulan Ruuxa Aad Dooneyso Inad Is Barataan.
Barashada Ceynkaasi U Dhacda Waxay 100% Ka Kalsooni Badantahay Tan La Isku Weydaarsado Kana Bilaabata Fariimo Qoraalka Ama Wicitaanka Maqalka Ah Iyo Waliba Aaladaha Kale Ee Lagu Xiriiro Oo Uu Internet-ku Kamid Yahay Kuwaasi Oo Shaki Badan Galiyay Dhalin Yaro Badan Oo Loosoo Bandhigay Barasho Ugub Ah.
2: Ka Fogow Beenta Iyo Hadallada La Dhoodhoobay Oo Mar Waliba Runta Beegso.
Midna Ogow (BEENTU XAARAAN WEEYEE YEY KU BARAN WALAAL)Waxadna Ka Shidaal Qaadataa Mah-Maah Somaliyeed Oo Oraneysa (Beentaada Hore Runtaada Dambe Ayey U Baas Baxdaa) Taasina Micneheedu Waxa Weye Beentu Waa Caqabad Hortaagan Horumarkaaga Goor Walba, Sidaa Darteed Mar Waliba Isku Day In Aad Xaqiiqada Abbaarto Si Ay Kuugu Hagaagto Baraashadaadu Una Noqoto Mid Miro Dhal Yeelata
3: Ereyada Kasoo Baxaya Afkaaga Waa In Ay Noqdaan Kuwo Ka Fiirsi Loo Yiri , Kana Fogow In Aad Kula Degdegto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada “Waan Ku Jeclahay Iyo Hadallada Lamidka Ah Ee Ku Habboon Xilli Dambe”
Waxana Lagama Maarmaan Ah In Aad Murti Ku Hadasho Si Laguu Maqlo Isla Markaana Loogu Xiiso Oraahdaada Oo Dhegtii Maqasha Aysan Marnaba Kaa Caajisin Una Riyaaqdo.
Intaa Markii Lagaa Helo Waxad Heysaa Dhabbihii Toosanaa Ee Barashada Waxadna Isku Diyaarisaa Inad Daaha Ka Qaaddo Hadafka Kuu Qarsoon Ee Ku Aaddan Barashadaada Kalgacal Adigoo Adeegsanaya Oraah Tifatiran Ama Geeraarkan Soo Socda:
Barashaduba Kala Duwan
Midda Beenta Lagu Laro
Raad Weeye Bido Iyo
Badno Weeye Go’eysee
Hadii Aan Bayaaniyo
Baaqeygu Wuxu Yahay
Barasho Kal-Gacale
Banaankaan Ka Hadlayaa
Been Been Hadey Jirin
Ma I Baxnaanineysaa?
Hadii Aad Baqeysoo
Wali Adan Bislaanin
Buurta Waan Ka Degayaa
Baxsaney / Bashirow Ha Fududaan
Bogsiin Weeye Barashadu
Aan Boog Laheyne
Bogga Wan Ku Saarayaa
Ilaa Aad Ka Bogatoo
Barbarbaartaba Dhamaantood
Adaan Kaa Bidhaansaday
Hadii Aad Baqeysana
Bixin Maayo Sirtanada
Baahin Maayo Waligey
Jawabtaadu Waa Baad
Baahideeyda Tiro Iyo
Biyo Aan Ku Oon Baxee
Ha Illaawin Baxsanoow/ Baxsaney.
Waxa Laga Yaabaa In Ay Idin Qancin Weyso Tixdii Hore Hase Ahaatee Geeraar Kale Oo Ka Duwan Kii Aan Goor Dhaweyd Idiin Tiriyay Ayaan Halkan Idinkugu Hayaa Ee Ka Bogasho Wacan:
Waxan Kuu Rafaadaba
Roobloow/ Ramlaay Waan Ku Helaye,
Imisaan Ku Raadiyay
Reysan Waayey Awgaa
Ruux Kugu Wardinayoo
Kuu Riyaaqay Ban Ahay
Anna Kuu Run Sheegtaye
Hayga Roorin Inanyahow/ Inanyahay.
Kuuma Rabo Xumaanoo
Naftaad Raalli Galisaye
Sida Reys Qabow Camal
Qalbigaad Rusheysoo
Rubadda Iyo Beerkiyo
Rugtii Bidix Adaa Degay
Hayga Ruugin Taladoo
Uga Fakar Sidoo Roon
Saadaasha Riyadiyo
Igu Raac Kal Iyo Laab
Hadaad Ra’siga Sare Iyo
Rubaddeyda Qabatood
Igu Ruubto Moolkana
Anna Inan Ku Riixeyn
Rabbiyow Ku Garadsii
Iyadoo Aysan Dadku Isku Faham Aheyn Ayaa Waxa Dhici Karta In Geeraradii Hore Halka Ay Ku Biyo Shubanayeen La Garan Waayo Isla Markaana Uu Yimaado Is Garanwaa Sidaa Aawadeed Ayaan Jecelahay In Aan Markale Idiin Soo Xulo Tix Bayaanineysa Hadafkaaga Ku Saleysan Barashadaada Taa Oo Aan Is Leeyahay Waa Loo Riyaaqi Doonaa Ee Aqris Wanagsan:
Dharaartiyo Habeenkaba
Wax Walbaa Dhacaayee
Dhabti Waa Aduunyoo
Iyadoo Leys Dhuganayo
Lama Wada Dhalane
Dhameysaay / Dhameysoow Walaal
Barashada Ma Dhibsataa?
Dhanka Ay Ku Socotiyo
Dhiisheeda Ma Cugtaa?
Dhaaydeeda Ma Listaa?
Dabadeedna Ma Dhabtaa?
Wanaaggeed Ma Dhowrtaa?
Subaggeey Dhaleysiyo
Dhuuxeey Laheeydiyo
Dheefteeda Ma Rabtaa?
Aan Kula Dhigaalshee
Bal Dhadhami Ujeedada
Dhabti Waxan Rajeeyaa
Inad Iga Dhaqaaqinood
Dhibtan Igu Cidleynine
Dheymaneey / Dhowsranoow Maxaad Oran?
Dhulka Intan Ku Noolahay
Kaa Dhaqaaqi Maayee
Jawaabtaada Ii Dhiib
Bil Kastoo Dhalata Iyo
Gugii Soo Dhamaadiyo
Xagaagii Dhibcaayiyo
Deyr Kasta Dhexdeediyo
Dhamac Badane Jiilaal
Adaan Kaa Dhur Sugayaa
Dhinac Kastaba Waa Kheyr
Jawaabtaada Ii Dhiib
Haygu Dhowran Xaajada
Ruux Kasta Oo Dhambaalkan Ka Tusaale Qaata Kuna Dhaqma Waxan U Rajeynayaa Guul, Xiriir Wanaagsan Oo Laga Dhaxlo Mustaqbal Nololeed Iyo Guur Lagu Xasilo.
Faah Faahin Kooban Oo Ka Turjumeysa Bandhigga Barashada Kalgacal.
Kadib Marka Aad Daaha Uga Rogto Barashadaada Cusub Tix Iyo Tiraab Waxa Lagaaga Baahanyahay In Aad Dulqaad Yeelato Oo Aad Iska Ilaaliso Deg-degga Iyo Fudeydka.
Fursad Uu Kagasoo Fakaro Sii / Ay Kagasoo Fakarto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada Ceynkan Oo Kale Ah.
Soomalida Intooda Badan Waxay Jecelyihiin Arrin U Baahan Waqti Dheer In Ay il Biriqsi Ku Sameeyaan Taa Oo Aan Marnaba Suura Gal Noqonayn.
Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa
Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa Siduu Horay U Yiriba Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi:
Sal Fudeydku Xaawuu
Jannadii Ka Saaray.
Ruuxaad Sugeysoo
Maqan Waa La Saadshaa
Sahan Waa La Dhowraa.
Waa Inad Mar Kasta Maanka Ku Haysaa In Ay Barashadu Tahay Wax La Beerto Oo Dhib Loo Maro Haddii Lagu Samrana Dheefa Laga Helo.
BY: Wariye: Yusuf Garaad Moallim
garaad45@hotmail.com
Skype: Khaboowsadex
Dr Mustaf xilkas
January 10, 2013 at 9:11
Saaas iga dheh waa sax waayo waxaa horay loo yiri danahada maqaar ari ayaa loo gu jiiftaa anne saas camalaan ahay ok waad ku mahad san tahay alcarabiya
Cadde
January 10, 2013 at 9:11
Mahadsanidin al carabiya wan qadanay ani iyo samiro
SAMIIRA
January 10, 2013 at 9:11
nice words thnkz alcarabia