Home » Sheekooyin » Jaceylka Dhabta Ah Ma Dhamaado Waligiis Waa Jirayaa, Qiso Xanuun Badan Q4-aad

Jaceylka Dhabta Ah Ma Dhamaado Waligiis Waa Jirayaa, Qiso Xanuun Badan Q4-aad

Waxa ayna weli kugada jirnaa sheekadii xiisaha badneed ee jaceylka dhabta ah ma dhamaado waana qeybtii afaraad ee la socosho wanaagsan .

Waxaa la jooga habeenkii aqalka gal waxa uuna maahir u diyaar garoobayaa in uu garab fariisto haweeney cusub oo aysan wada sheekeysan ama jaceyl uusan dhex marin , waxaana bilaawday xafladii iyo alalaaska .

Maahir hooyadii waxa ay ku jirtaa farxad tii ugu macaaneed iyada ayaana uga carab dheer waxa alalaaska sameynaya, waa kan Maahir oo socod gaaban oo qaboow ah ku soo galaya goobta indhihiisana laga dareemayo in uu wax kale baadi goobayo oo dhinacyada eegayo .

Waxa uu soo gaaray goobtii loo diyaariyay balse waa maqane jooge oo meel kale ayay maskaxdiisa ku maqan tahay halka caruusada iyo hooyadii ay la dhoola cadeynayaan farxad , waxa uuna maahir ku hayaa Aaway , Aaway iyada , ma joogta miyaa xaflada .

Maahir hooyadi waa ay dareentay wiilkeeda waa ayna u tagtay iyadoo dhagta uga sheegtay in uu dhoola cadeeyo iyadoo tiri waryaa dhoola cadeey dadka waa kuula yaaban yihiin .

Balse maahir dan kama laheyn waxa ay hooyadii u sheegtay iyo indhaha ka soo haray dadka xafaladda yimid , halka lamaantiisa cusub ay isaga fiirineyso dhoola cadeyn sixir ah sii raacineysa balse isag dan uu ka lahaa ma jirin , waxa uu indhaha taagaba waa tan Maymuun Maymuun oo soo gashay .

Waa tan Maymuun oo xiran darees madoow oo ay ku muujineyso muragada haysata , maahirna isha ayuu qac ku siiyay indhaheeda ay ku soo qurxisay indho kuusha ,waxa ay bilaabeen in aysan kala jeesan halka dadkii xaflada joogay afka gacanta saareen .

Maahir waxa uu iloobay dhamaan waxa hareeriisa ka dhacayay xitaa caruusada cusub waa uu ilooway waxa uuna eegmo kula waashay Maymuun , waa tan iyada oo usoo dhawaaneysa u soo dhawaaneysa u soo dhawaaneysa , maahirna waxa uu dareemaya wadanaha maymuu ee garaacamaya halka uu si wacan u arkayo ilinta qaarisay indhaha Maymuun.

Waxaa gabi ahaabna istaagay heesihii waxaa degay ka soo qey galayaashii , waa tan Maymuun oo si wacan u soo dhex gashay dadkii wajiga maahir ayay si wacan ugu soo toostay iyadoo ilinta iska tireysa in yar dhoola cadeyn aan qalbiga jirin qosleysaa Alla Xanuun badanaa.

Dadkii waxa ay is weydinayaan waa qofma , maxay sida tartiibka uga sconeysa oo ay la ilmeyneysaa ka daroo dibi dhalay qeybtii farsmada ee DJ -yada waxa ay ku tuureen heestaan oo waxaaba moodaa in ay uga tala galeen :ixtiraam gobeed iyo wanaag beynu isku ogeyn , eed gayashee waxaa kuugu wacan waa af kala qaadee ,naf laguugu aaminay adigaa saaray oogada adiga aaya yiri axdiga waan adkeeynayaa Codkii Xabiibo Xasan Tooxoow .

Waa tan weli Maymuun oo qoob ka cayaar been ah sameyneysa iyada oo muragadana wajiga ka saaran tahay , Maahir waa uu daawanayaa muuqaalka xanuunka badan ee Maymuun dadkiina waa yaaban yihiin .

Xaalku waa is rogay iyada oo qoob ka cayaar sameyneysa ayay ooyneysaa Maymuun , iyada oo la dhici rabta murago ayuu isha ku xaday kana codsaday in ay fariisato , yaab yaabkiisa waa tan Maymuun oo Maahir u soo dhawaaneysa ilaa ay kaga timid .

Maahir waxa uu si murago leh isna u eegayaa indhaheedii la gaduudatay oohinta halka indha kuushii iyo ilintii isku milmay ay dhabanadeeda madoobeeyeen , markii ay u timidna iyada oohin la fiiqsaneysa ayay ku tiri Mabruuk Aaw Guuriyo .

Maahir waa uu awoodi waayay in oohinta sanka u saarneed uu iska celiyo afka ayuu furtay laakiin Maymuun in ay u soo laabatay ayay si naxariis leh uga tirtay ilintii iyada oo ku oraneysa xabiibi ah ooyin , niyada ha iga dhaawacin, aniga waan sii socdaa waan sii socdaa.

Maahir isaga ooyanaya ayuu ku hayaa maya maymuun qaali sidaa ha dhihin , iyana waxa ay leedahay xabiibi ha muroogan Ilaah hakula jiro waan sii baxaya , isna isaga oo murageysan ayuu ku hayaa halkee ayaad aadeysa

Waxa ay Maymuun ku sii eegeysay Maahir indho gaduutay ilinta ka socoto waa ayna dhunkatay kuna tiri macsalama oo dadkii ayay soo dhex martay iyada si oraneysay aah aah xiliga , aah xiliga xitaa markii aan caruurta ahaa sidaan uma aan ooyin balse waqtiga ayaa iga oohiiyay .Maxa dhacay intaas ka dib?

La Soco Qeybta shanaad iyo murago jaceyl aabaheed

Cisman Fantastic

ossmanfantastic@hotmail.com

+254722246658

 

Share on Facebook

Comments

7 Responses to Jaceylka Dhabta Ah Ma Dhamaado Waligiis Waa Jirayaa, Qiso Xanuun Badan Q4-aad

  1. Cadde Reply

    January 14, 2013 at 9:11

    Mashalaah dhab ahanti wa mid dhiaci karta raga qar an aniga ka mid ahay wey sameyn lahayen swbto ah ad ayan u calol jileecnahay wlh wa ay dhici karta madfac qalbi ma dhawici karo taas ana hubo e gabdhoy qiyanada ka ilaliya ragga qar o an aniga ka mid ahay maxa yelay ad ayan u calol jilacay mararka qar hadan so xasusto jaceylkeyga wan ilmeya wlh muqdisho ayan ugu so tagay ana sudan ayan joga lkn jacelki no dhaxeyey waxba iskama badalin mardhow inshalah wan u taga wana ku guleysan dona inshalah mahadsanidin dhaman

  2. Iqra bashiir Reply

    December 17, 2012 at 9:11

    Fb ghm

  3. Falastiin Reply

    November 24, 2012 at 9:11

    Waaaa beeen nin saas u calool jilicsan xagee laga helayaaa kkkkkkkkk

  4. Guuled Reply

    June 9, 2012 at 9:11

    Wlh webkan wa cajib waxan ka aqrista shekeyin cajib ah

  5. AAsbarao Reply

    June 6, 2012 at 9:11

    Kkkk halesku dhelo miyaa war somali sedaan uma qalbi jilicsana madfac ayaa adkeyaay iyo fatalayaal jacalka ka been shaga mar kasta

  6. boodhari Reply

    June 6, 2012 at 9:11

    waxaan ka codsanayaa webkaan cajiibta ah in uu noo sheega waqtiga sheekadaan mida xigta la soo dayn doona ama si ay isu xigaan fadlan waa codsi waxaana filayaa in cod sigayga la ii meel marin doona

  7. NandMeeteency Reply

    June 4, 2012 at 9:11

    ? This website was… how do you say it? Relevant!! Finally I’ve found something that helped me. Appreciate it!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>