Home » Cayaaraha » Wenger ” Waan Hubaa Fabregas Arsenal Ayuu Ku Soo Laabanayaa”.

Wenger ” Waan Hubaa Fabregas Arsenal Ayuu Ku Soo Laabanayaa”.

faba1Tababaraha Arsenal ayaa hadal rajo gelin u sheegay Taageerayaasha Arsenal kaas oo ah in kabtankii hore ee Arsenal Cesc Fabregas in kooxda loo soo celin doono.

Arsene Wenger ayaa daboolka ka qaaday in ciyaaryahanka qadka dhexe ee wadanka Spain uu ku soo laaban doono Maalin kooxda Arsenal.

Macalinka ayaa waxaa uu ku qal qaalinayaa Cesc Fabregas in Arsenal ay tahay kooxdii waayihii Fiicnaa uu ku soo qaatay Mar walbana Albaabka laga galo Arsenal uu u furan yahay si markale uu kooxda ula guuleysto.

Wenger ayaa ku caawiyay 25 Jirka Barcelona inuusan ka celin sanadkii 2011 inuu ku laabto kooxdiisii hore ee uu jeclaa Barcelona laakiin ilaa iyo hada Wenger waxaa uu aaminsan yahay Emirates iney tahay saldhiga wadnahiisa.

“Isaga waa Ciyaaryahan Arsenal,waa uu jecelyahay kooxdeena,waa uu daawadaa kulamada Arsenal marka uu joogo magaaladii uu ku soo bar baaray gaar ahaan Barcelona waa kooxda ugu wanaagsan Aduunka”Wenger ayaa sidaas sheegay xili uu isku diyaarinayo Kulanka Caawa ee Manchester City ay la ciyaarayaanj markaas oo wiilkiisii Gael Clichy uu ka hor imaanayo.

Wenger ayaa daaha ka rogay Cesc Fabregas in Mar labaad uu dib u xeran doono funaanada kooxda Gunners.

Share on Facebook

Comments

One Response to Wenger ” Waan Hubaa Fabregas Arsenal Ayuu Ku Soo Laabanayaa”.

  1. wenger oo riyo ku jiro xalay ayu ku riyooday cesc oo ku laaban doona arsenal kkk malaga yaabo cesc dambe inu u so laabto arsenal cml

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>