Real Madrid ayaa heli doonta Xidiga waa hore Bartilmaameedka u ahaa ee Gareth Bale oo badalka u noqon doona Ninka laga yaabo inuu ka tago kooxda ee Ronaldo.
Tottenham ayaa u sheegtay Real Madrid in Gareth Bale ay kaga iibinayaan qadaadiic gaareysa £55 million.
Macalinka Real Madrid Jose Mourinho ayaa Maamulka kooxda cadaadis ku saaray bishii hore in loo soo xera geliyo Bale waxaana Real Madrid ay diyaar la tahay £35million iney ku hesho Wiilka Welsh-ka”Sunday Express ayaa sheegay.
Real Madrid ayey haatan Talo jirtaa hadii ay u baahantahay Ciyaaryahanka waa iney bixisaa £55 million.
Share on Facebook