ila Tali
As, Marka Hore Waan Idin Salaamay Bahda Shabakadda Alcarabiya.com, Waxaan si Qaas ah u Salaamaya Talo Celiye Xaaji Tahriib, Salaan Kadib Talaa Iga Qaloocanee Hala ii soo Taliyo, Ilaa Horaa Loo yiri Tala Adaa ku Nool Mooyee iyada Kuguma Noola, Tala Kaa Maqane Maan Walaalkaa ayeey ku Jirtaa.
Waxa ayna Gabadha qoraalka Noosoo Marsiisay Aaalada Emailka ay Massege-keeda Cabashada ah ku bilaabeysaa sida tan.
Wiil Baanu is Jecelnahay, isna Wuu i Rabaa ana Waan doonayaa, jacaylkaas Dhabta ah ee aan u Qabana Waxa uu Dhaliyay Inaan Passwordka Face buugayga siiyo, laakin Isaga Kiisa imuusan siin Anne Maan weydiisan Passworkiisa, Balse Mudda Kadib ayuu Igu Yiri Passwordkeyga Qoro. Waan Qortay Waxaana Galay Facebuugiisa, Waxaanan ku arkay qoraala ah isaga oo gabdha badan ku dhahaya waan kaa helay, waad qurux badan tahay, ma is baran karnaa, taana dhib uma arag oo Raga oo Dhan ayaa ka siman Dabeecadaas.
Waxaa kaloo jira aniga Waxaan ahay Gabar Wadaad ah, aabahayna waa ugaas marka Waxaan ku iri Wax balwad ah Ma Leedahay, isna Waxa uu igu yiri maya, laakin muda Kadib isla Face buugiisa ayaan ku arkay wiil ku leh ‘’ nin yahow waad xanuunsatee majaadkii baad iska badisay’’ yaab.
Laakin Arinka iigu Yaabka Badan ayaa Waxa uu ahaa Naag weyn oo Maama ah ayuu La Tashan Jiray Naagtana iyada ayaa isla Rabtay, Waxa uuna Uga sheekeyn Jiray jaceylkeena, sidoo Kale Naagta Iyana afaaraheeda Ayeey uga Shegan Jirtay, Waxa uuna Maalin Maalmaha Ka Mid ah ku yiri Naagtii ”Gabadha Xirirka Naga Dhexeeya Sidii Hore iskuma Nihin” aniga waan Tacajabay.
intaa kadib Waxaan Ka u iri Sirtaada waan soo helay Ima Jeclid Qayaana ayaad wadaa, Markaan intaas iri wuu is waalay wuxuuna yiri dad Baa Kusoo diraa oo aad Warkooda ii dhageysaneysaa, jacaylka aan kuu qaba ma Tix galineysid, Nakaladaa ayuuna Hadalkiisa igu soo Gaba Gabeeyay.
Markuu intaas yiri Waan Qaracmay, waayo Waxaan ahay qof Daacad ah, Laba Maalina Wax ma cunin, Guri ayan isku Xiray Waana Diiday in Qof uu isoo galaa ama ila hadlo, laba maalin kadib ayuu massage isoo qoray isaga oo i leh walaalay waan qaldamay ee iga raali noqo, jacaylkaaga ayaan la wareeray iyo ereya kale oo calaacal ah .
Talo Celin:-
Marka hare Walaal Salaanta aad hawada noosoo marsiisay mid lamid ah ayaan anagana kuusoo direynaa, Salaan Kadib, Paswordyada Lakala qaata Inta Badan Waxa ay Banaanka usoo Saaraan Hadii ay jiraan Dabina Qarsoon Oo dadka Jaceyl wadaaga ah isugu Maleegan si aan ula Kac ahayn.
pasworyada lakala qaatana Waa Midda marar Badan keenta isku dhacyada Lamaanayaasha, saaxibka waxa uu La Faqi jiray ama La Tashan jiray sida aadba soo sheegtay islaan weyn oo Maama ah, dabcan soomadan sheegin in islaantu tahay naag la qabo iyo in kale, taa meeshaas ayaan uga hareynaa.
Tan Kale Balwad uu Kaa Qariyay ayaad sirteeda inuu Cuna aad Ka Heshay aaladda chating-ka Lagu Sameeya ee Facebuuga, taasii waa qayaamo uu kugu sameyay, Waxaana Wanaagsan Waa Hadiiba ay jirta in uu Raali Galayn uu Ka Bixiyo, iskana joojiyo Balwadaas ilaa Adiga Iyo Balwadaas Ruux leh inaadan Hishiineyn horaad usheegtaye.
Waxaa Kaloo Laga Rabaa In uu Raali Galayn Ka Bixiyo islaanta arinkiina uu ugu sheekeyn Jiray ilaa Markii Danbaba ay isla Gaareen heer ah gabar baa Xiriir Naga Dhexeya iskumana fiicnin, Taa Iyana Waa Qayaama Kale oo quus ku Galin Karta, Waxaana ninkaas looga Baahan Yahay in uu Ka Bixiyo Raali Galayn.
Gabagabadii Talada lagu Siinaya Waxa ay Tahay Laba Arimoodba Ku Samir oo Jaanis Kale Sii saaxibkaa Tan Koowaad Waa adiga oo Jecel jacaylkiisana Laba Malin Wax lacuni waayay gurina isku soo xiray, Waxa dadka Col Kaala Dhigayna Waa jacaylkaas aad uu qaaday taas waamid ugu samir, tan Labaad wuu Kuusoo Hoyday, oo sida aad soo sheegtay massage calaacal ah ayuu kusoo qoray isaga oo Ka shalaaynaya waxa uu sameyay, Dabcan Labadaas Sababood Adiga oo u Fiirinayaa Jacaylkiina ku Samir.
Taladaas waxaa La siiyay Gabar Fariin Massage ah noo soo Qortay, mana Aysan Soo sheegin Meel ay dunida Ka Joogto iyo Magaceedaba, Waxaanan filaya in Magaceeda ay u Qarisay Sababa Jira aawadood.
Talo Caliye:- Maxamed Xuseen Yuusuf Xaaji Tahriib
XaajiTahriib@hotmail.com
Mob:-0027784293322
Port-Elizabeth South Africa
Nuur
April 10, 2013 at 9:11
Asc dhaman waxn si gaar ah usalamaya NACIIMO wa wax garadka meesha iga deeqay wlh.waxa tahay inan aqli bdn wana kahelay taladada qurxoon wlh. Adi o kale ma anan arag naciima mahadsanid nolow waliga nabadkuwaar nastexada iyo narurada iyo farxad waliga abaayo naciimo by dhaman adi ugu fikir fican waxanpa isdhahay allow ya tan madax wayne kadhigo by qaaye muqdisha kuqalanto inad kunolate allow inantan wcn aslubta leh umuraha haysta iyo danaha adanaha usahal
Samsam filsan
January 17, 2013 at 9:11
Lakin naagtan masawirkeeda foolxumo badana san’weyna ma jareer baa ninkeeda wuxu ku nacay buu qabaa naag san weyn ama naag cagweyn siilkana wey ka weyntahay
Abu sadaad
January 16, 2013 at 9:11
Asc dhaman
Saluuglaay
January 16, 2013 at 9:11
Aniga waxay ilatahay in aad isaga hartid waayo nin balwad leh aayo danbe malahan teeda kale qofka haku necbaado ama haku jeclaado arimaa idiin khaaska ah oo idin dhex maro waa in uusan faafin teeda kale wadaad baaba tahaye maxa kuugeeyay wiil aanan kuu mehersaneen lasheekeeso maxa ku keentay waayo qofka sheekadisa hadee kugu badato waad jeclaanaysaa
Abdifatah villa
January 16, 2013 at 9:11
Runti waxa tahay gabar daacad ah waxana kugu la talin laha inad faraha kala baxdo o ad iska deyso ninkas wayo wa qayanole weyn
Mohamed Ahmed
January 16, 2013 at 9:11
Anigu magaceyga waxaa layiraahdaa Mohamed waxaan kula talin lahaa ninka marka hore ayaa balan la,la galaa mida kale inaad ka waaniso wax yaabaha ku dhibayo oo dhan mida kale inaad si degan oo farxad leh ugu sheegto oo aad tiraahdo walaal waxaas ayaa jira iska jooji mida kale hadii ay dhaccday inuu dhowr maalmood kaa maqnaado adna inaad wax cunto ayaa wanaagsanan laheyd
Thanks
nimco
January 15, 2013 at 9:11
waxan kugula talinaya anigu illahay ayaan qaldamin ee mila aadamka ayaa qaldama qof qaldamay uguma horeeyo ugumana dabeeyo illahay swt adoomihiisa wu u dabi dhaafa adiguna jacaylkaga u dabi dhaaf adunkan aynu joogno wax ka qaalisan jacayl ma jiro waxan kugula talinaya inad jacaylkaga cafido od u samiirto od haysato hadi kale oo u farahaaga ka baxo waxan ku sheegayaa in ad guul daraysatay wad heeli karta nin taajir ah wad heeli karta nin wadaad ah wad heli karta nin an balwad lahayn wad heli karta mid ku ixtirama wad heli karta lakin ka waran adanad waxaas oo dhan oo wanag ah ninka leh hadanad niyad iyo jacayl u hayn onu isna ku hayn od laba qof oo dan isku kentay ad noqotaan waxaa fican qofkad jeceshay ee ku jecel in ad ugu samiirto qaladkisa waxan huba hadi ad istira ka goo balwadahaa u leyahay in ad ka goyn karto lakin hadi ad is tirahdo ninkan qalbigaga ka qoo inadan ka goyn karayn waa hadu ku hayo jacayl dhabi mid kalana wan kugula talinayaa ninka ad jeceshay hadi u xita naago kale xidhiidh la leeyahay waxan ku leyahay dhacso jacaylkaaga oo difaac jacaylkaga ha u dayn waliga nag jacaylkaaga ataag ku ah waa in aad difac adag gashaa wiilal iyo gabdhabaa taas waa loga bahan yahay imisaa adunka mantaa jooga oo is jecel oo wadada kala maray oo mid waliba meel isku tuuray waxaas oo dhan waxaa sabab u ah diifac la antaa wayo waxaynu maqalna hadal yar oo qof inagu yidhi markas ayaynu ilawna waxay nafteenu rabtay iyo halkay ku nasan lahayd naftu markaas ayaynu goor an goor ahayn qomamayna qaladadki yar yar ee aynu galno jacaylku wu cadaw badan yahay farxad kasta wad ka heelaysa jacaylka lakin jacaylku mid ayuu dadka uga bahan yahay in ay u qabtaan wana inay difacan jacaylka wayo cadawgiisa badan manta waxad arkaysa wiil gabaadhu xidhiidhka la lahaa u jarayaa xidhiidhkoodi wiilkale oo u ka shakiyay ama war an jirin oo qof u kenay hadaad indhahaga ku aragto iyada la joogta ma ahaa inad jacaylkaaghi dhulka dhigto waa inad difacda jacylkaga waliga guusha ha siin qof weerar kugu ah
Fartuun birimo
January 15, 2013 at 9:11
Kitaab gaablow aad oo sixir ninka madiide ka dhig adigana si fiican ugu niiki ka keenso war walba
Saaqaluul
January 15, 2013 at 9:11
asc waa mahadsantahay bahda alcarabiya,,. tan kale walaashay waxaan kula talin lahaa,, talo waa tan rabbi.. laakiin waxaa loo baahan yahay marka arrimahan oo kale lala kulmo calool adayg badan,, jacayl waa jiraa oo waa dhab,, laakiin mid ogsoonow ninka maanta adoo naagtiisa noqon aad agtiisa qadarin iyo sharaf ka yeelan weydo oo uu been kuu sheegay jacaylka uu ku qabaa mid weyn maahin,, tusaale waxaad tahay tahay gabar wadaad oo alle ku xidhan, ninkan haddii uu balwadiisa kaa qariyay oo aad aalada facebooga ka ogaatay, wax kale oo badan baa kaa qarsoon,, mahan nin daacad ka ah jacaylka.. laba waddo waa kuu banaan tahay maantaad fududahay inaad ka samarto oo wax alaale wixii ku xasuus gelinaya oo aad ka hayso aad tuurto oo masaxdo .. sawir,, facebook ,, e.mail, telefoon ,, wax kastoo xagiisa inaad tuurto oo iska ilowdo,, muddo yar bay qaadanaysaa oo cibaado iyo ale baryadisa ku aruurto si aad nolol caadiya ugu soo noqoto… iyo inaad iska samarto oo aad ilowdo qaladaadkaas dhacay oo kugu sameeyey oo jaanis kale bixisid waa haduu ka toobad keeno oo qaladaadkaas cafis kaa dalbado oo uu garawsado qalad kaa galay iyo beenta uu kuu sheegay,, labadaas talaba waad samaynkartaa tii naftaada u qanacsan tahay waad samayn kartaa,, hadii jacaylka aad isu qabtaana dhab yahay,, soo afjara oo nolol wadaaga, qayr badan baan kuu rajaynayaa,,ilaahayna xaaladaada ha kuu fududeeyo.. wabilaahi tawfiiq
Hanad
January 15, 2013 at 9:11
Asc gabadha talada rabto sln kadib abaayo aniga waxey ili tahay abayo haaku nicin balwada sababto ah balwadda kama sameesno jirkiisa Ee waa walax labartay marka uga nesteexey insha allah wa katanasuli doonye asna is caalfaada anigana alah banbaryaaya inoow kagadhigo midmara wadada wanagsan walalka aad jeclatay amin salaadkasta allah ubaari abayo waxoow naqan doona midkuqan ciinkaro mustaqbalka dhaw insha allah
Iyi
January 15, 2013 at 9:11
Asal ninku ku adkee markad ledahay too u fudeesoo. radsnaaa ka dhaf sas hakula talin
Sacid
January 15, 2013 at 9:11
Usamir walal fursadkale sii cml
Asal
January 15, 2013 at 9:11
Raali galinta hore ha uga aqbalin muddo kuhay una sheeg dhaman waxad ku aragtay facebookisa hadu cadadiska aad sarto uu usamro iska cafi hadii kale fasax
Haashim
January 15, 2013 at 9:11
Marka hore waad salaamantihin salan kadib abaayo kan faraha kalabax wuxuu rabaa in uu kugu meel gaaro run kama ahan hadii ay dhacdo in aad is fahantan si fiican kugu ma raaxeenayo bar go buu kugu dilaa ka talo bax mid kale raadso maadama uu ugaas ku dhalay