Home » Cayaaraha » Victor Valdes Oo Qalbiga Ku Haya Liverpool

Victor Valdes Oo Qalbiga Ku Haya Liverpool

Victor ValdesGoolhayaha Barcelona Victor Valdes  ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in Mustaqbalkiisa Barcelona iyo ku biirada kooxda Liverpool.

Victor Valdes  ayaa sheegay inuusan hada wax go’aan ka gaareyn Mustaqbalkiisa Xili la hadalhayo inuu ku biiro Liverpool sanadka dambe.

Waxaa la soo Warinayaa in goolhayaha koowaad ee Barcelona  lagu ganacsanayo si uu ugu biiro Mudo 20 Sano  uu joogay kadib Barcelona kooxda Anfield.

Valdes ayaa heshiiska uu kula Jiro kooxda Spain waxaa uu dhacayaa sanad ka dib,Umana muuqato in heshiis cusub laga saxiixayo,mugdi ayuuna galay mustaqbalkiisa.

Liiska badalka  u ah Valdez marka uu Barcelona ka tago waxaa loo diyaarinayaa David De Gea oo Manchester United ka tirsan.

Victor Valdes  ayaa Twitterkiisa ku sheegay”Qof walba waxaa uu doonayaa inaan shaaciyo mustaqbalkayga,laakiin aniga waxba kama dhahayo mustaqbalkeyga,Waan ku dhawaaqi doona marka waqtigeeda la gaaro.

Barceolona ayaa ka caga jiideysa in heshiis cusub ay kala saxiixayo Goolhayaha labaad ee Xulka Spain.

 

Share on Facebook

Comments

2 Responses to Victor Valdes Oo Qalbiga Ku Haya Liverpool

  1. valdes waanin riya badan liver poul uma baahno ee yuu isnabin

  2. Dj zaadmarry Reply

    January 17, 2013 at 9:11

    valdes waxaa u wanaagsan inuu iska joogo barka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>