Ayaan Tromso oo kamid ah xidigaha shumaca u shuday horumar faneedka Soomaalida Norway ayaa soo saartay Muuqaalka heesteedii ugu danbeysay ee Jaceyl waa Utun oo aan dhihi karno waa mid kamid ah Muuqaaladii ugu qatarsanaa ee xilliyadii ugu danbeeyay laga daawado shaashadaha caalamka.
Heestan oo uu ereyo iyo laxanba isku darsaday Abwaan, Mulaxan iyo Alfanaan Xasan Dhuxul Laabsaalax, waxaa musiga macaan ku laray Bashiir hanuuniye iyo duubistii Feysal Dheere Studio ee magaalada Oslo.
Halkaan Ka Daawo Heestaan Sanadkaan Cusub Fanaanada Ay Ka Soo Saartay Dalka Norway .
Dhanka duubista qurxoon iyo farsamadaba waa Haataf Studio oo maalinba maalinta ka danbeysa soo bandhigaya hab casri ah oo runtii Soomaali badani madaxa u ruxday laguna amaanay, anaguna dhankeena ayaan ka leenahay Mahadsanid Haataf, dadaalkaaga sii labalaab.
Share on Facebook
Cadde
January 19, 2013 at 9:11
Subxanalah hes uma luxeyno madaxa ilah ba ka magan galnay hes iyo wax la mid gabar muslimad ah ma ahan gabarti qaday hestan maxa yelay uma banana gabarta muslimada ah iney cowradeda qawiso tintu wa cowro garbahana sido ilahey ka baq ayan hadan sidan ku dhimato adi iyo janno wad kala dhertihin ilahey u tobo ken alcarbiya idinkana wa kaso darten hes o ilahey ogalen mad madaxa u ruxeysan subxanalah ilahey ka baqa madaxa ha u ruxina munkar mahadsinidin