Home » Arimaha Qoyska » Ceeb Ma’aha Caashaqu!! (Sheeko Gaaban) By Ahmed Deeq

Ceeb Ma’aha Caashaqu!! (Sheeko Gaaban) By Ahmed Deeq

jaceylAadanaha cimrigiisa waxa ugu xallad, xiisa iyo xanuun badan waqtiga dhallinyarnimada. Xilliganna waxa ugu sii xasuus mudan marka ay qofka boggiisa iniin caashaq ka biqisho. Iniintaasi waxay dhilataa wadnaha, waxaanay dhurataa dhiigga. Waxay yaraysaa dhuuniga, waxaanay kala dhantaashaa hurdada. Waxay nuglaysaa kasha, waxaanay ku beertaa baqasho, boholyow iyo baaxaa deg.

Habeenku wuxuu kuu noqdaa dharaar, dharaartuna waxay kuu noqotaa habeen. Haddii aad la kulanto qofkii dabka kaa dhex shitay waa kuu kabash kabash iyo kayr kayr, waa kuu hibasho iyo hogasho. Haddii uu kaa maqan yahayna waa kuu fikir iyo foognaan, waa kuu hiigsi iyo heeheebad.

Adiga oo xaaladdaa ku jira garawsho, garwaaqsi iyo garab istaag midna kama heshid bulshada aad la nooshahay. Sidaa darteed inta aad qofkan ka baqdo in aan ka yarayn waxaad ka baqdaa bulshada oo ay agteeda malahayga danbiba ka tahay in wax la caashaqo. Haddaba, ta bulshadu halkeeda ha inoogu dabranaatee, ogsoonow sida aad xaq ugu leeyahay inaad noolaato ayaad xaq ugu leeyahay inaan wax jeclaato.

Xaqaasi haddii uu kaa maqan yahay sida aad u soo dhacsan karto mar kale ayaynu ka wada sheekaysan, laakiin waxaan ku leeyahay:
Ceeb maaha inaad wax jeclaato, iyo inaan lagula qaadan jacaylka midkoodna. Waxaase foolxumo weyn inaadan waxba caashaqin, waayo waxaad markan ka baxday xayn-daabkii banii-aadanimo. Haddii kalena waxaad ku nooshahay been iyo is-moodsiis baqashooyin is biirsaday kugu sababeen.

Qofka jiritaankiisu macno buuran ma yeesho oo wuu kala dhantaalan yahay haddii aanu ka run sheegi karin dhacdo soo martay ama mid uu ku jiro markaas.

Haddaba, iyaba waa yaabe, xalay aniga oo kala guraya Buugtayda ayuun bay warqad midabaysan oo khadkeedu isku dar-dareeray meel ka soo dhataq tidhi. Dabadeed si aan dhugmo lahayn haddii aan dhaayaha ugu biniiniyay, mise waxaaba warqadda ku duugan jacayl dhicisoobay oo dhallin-yarnimadii i soo maray

. Gabadhii aan dhanbaalkan u qoray, waxaan ka eegayay inay ii soo jawaabto, laakiin iyadii ayuun bay igu soo celisay, illaa haddana sababtaa waan fasiri kari waayay. Waxaanse ogaa in ay dhanbaal hore igu tidhi: “Wiil-yahaw jacayl kuuma hayo, kuumana qaadi doono, warkaagana ma rabo ee farriin danbe oo arrimahaa ku saaban ha ii soo dirin” Jawaabtani maalintaa waxay iiga dhignayd waran aan loo aabba yeelin oo wadnaha la igaga dhuftay, in daqiiqad ka yar waxaan arkay dhidid wada qooyay wajigayga, sida aan qabana dhidid maahayn ee wuxuu ahaa dhiig wadnahayga dhaawacani soo tuurayay.

Haddaba, muddo markii aan ka adkaystay ayuun baan maalintii danbe anniga oo is moog farriintan igu soo noqon doonta u qoray, una geeyay inantaa ilwaadka qurxoonayd, edebta badnayd, isla jeerkaasna noloshu bilowga u ahayd.

Heblaayo Qaali,

Salaan diirran dabadeed, inkastoo warkayguba, waabay qadhaadhiyo, warma kaaga daran yahay, haddana waxaynu nahay laba wanaag iyo walaaltinimo isku baratay, sidaa darteed adiga oo taa xeerinaya ha i odhan wax danbe ha ii soo dirin, hana i dhihin waligay jacayl kuuma qaadi doono, waayo jacaylku maaha wax rabitaanka qofka iyo diidmadiisa u xadhko xidhan. Haddii uu sidaa yahay, Cilmi umaba hoydeen, Cantar uma jihaadeen, Qays uma god galeen, Layli uma qaracanteen. Ma boqreen Hadraawina, Beer-lula ma sheegeen.

Haddaba, sidaa dhibta yar iila garo inaanay soo noq noqoshadu iga ahayn nacasnimo, ee ay iga tahay nuglaansho uu i baday jacaylkaagu. Haa, xiskayga waxa sidaa u dhex miranaya xubigaaga, dhiigaygana waxa sidaa u miiranaya kalgacalkaaga, maankaygana waxa sidaa ugu meeraysana muxubadaada.

Albaabka wadnahayga waxa heegan ku ah ciidamo adiga kaa socda oo diidan inay gabadhi soo gashaba, xataa garoob. Intaa ka dib, sida dabiiciga ah qofku markuu wax caashaqo, jacaylkaana lala qaadan waayo, wuxuu canaantaa naftiisa iyo dookhiisa.

Wuxuu hiifaa goortii iyo goobtii ugu horaysay ee uu qofkan ku arkay. Haddaba, annigu naftayda iyo dookhaygaba waan ku hanbalyaynayaa inay wax jeclaadeen, oo ay waliba adiga ku caashaqeen.

Goobtii ugu horaysay ee aynu ku kulanayna waaban siyaartaa. Ugu danbayn dhibkaan doono aan qabo, laakiin waxaan jecelahay wanaagaaga iyo wax noqoshadaada, farxadaada iyo rayn-rayntaada.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
E-Mail: Awliyo177@hotmail.com

Share on Facebook

Comments

9 Responses to Ceeb Ma’aha Caashaqu!! (Sheeko Gaaban) By Ahmed Deeq

  1. wll jacaylku uxuu kasoo go’aa qofka hadii aad jeclaatid qof oo aanu ku jecleen waxaan odhan lahaa samir.samirku uxuu kamid yahay jcyka hadii aad samirtid waxaan filaynaa inaad ku guulaysanayso loooooooooooooooooooooooooool.

  2. abdirahman bulshaawi Reply

    March 28, 2013 at 9:11

    jacaylku waa wax jira cid walba oo ifka ku nooli mar ayay wax jeclaataa laakiin waxaa ugu nasiib xun cid jacaylkeda ka dhigata wado ay maraan cid walba oo cadaw ku ah jacaylka laakiin difaaca jacaylku waxa uu ku xidhan yahya labada shaqsi hadii ay is helaan.

    • Adha Mohamed Reply

      March 30, 2013 at 9:11

      wll jacaylku uxuu kasoo go’aa qofka hadii aad jeclaatid qof oo aanu ku jecleen waxaan odhan lahaa samir.samirku uxuu kamid yahay jcyka hadii aad samirtid waxaan filaynaa inaad ku guulaysanayso loooooooooooooooooooooooooool.

  3. Adha Mohamed Reply

    March 26, 2013 at 9:11

    waa jiraa jacayl ilaa uu kaguulaysanayo uu dhibaatoodaa wadareemikara jacayka qofkuu kudhacay oo kaliya

  4. MOHAMED MUCASHAQ Reply

    February 10, 2013 at 9:11

    RUNTII SXB MARKAAN AARKAY DHAMBAAL KAAGAN QIIMAHA ABADAN WAXA SOO XASUSTAY GABADH AAN WAAYO JACCAYL OO KHASAARAY AY NASOO DHEX MAREEN WAXAANAN KA MID AHAY DADKA HIIFAY NAFTOODA IYO GOOBTII AY KU ARKEEN INTABA LKN DHAMBAALKAAGAN WAXA UU I GALIYEY DHIIRO AAN SINAB QALBIGAYGA UGA BA’AYN MARKA WAXAN KU LEEYAHAY WAAD MAHADSAN TAHAY 100%

    • Adha Mohamed Reply

      March 30, 2013 at 9:11

      wll jacaylku uxuu kasoo go’aa qofka hadii aad jeclaatid qof oo aanu ku jecleen waxaan odhan lahaa samir.samirku uxuu kamid yahay jcyka hadii aad samirtid waxaan filaynaa inaad ku guulaysanayso loooooooooooooooooooooooooool.

  5. jamal Reply

    January 30, 2013 at 9:11

    abayo sawir kiina kahalay

  6. Hanad Reply

    January 20, 2013 at 9:11

    Qoraalka waxii aan qalday karaali noqda mashqool aan ahay darted mahadsanidin

  7. Hanad Reply

    January 20, 2013 at 9:11

    K.k.kk.k.k.k.k.k.k.k.k.kk..kk.kkk.kkk.k..k.kk..k.kk..kk.k.k.kk.k.k asc bahda alcarabiya maya maya sheekadan waa sheekadii ugu kheymaha badneed Ee kabaxdo ebad shabakaddaan inta aan garanayo Lkn masaxbaa mise waa dhalanteed wiilka aay ku dhaacday wa wiil wax garad ah sida aay ili taahay sikastaba ha noqote waxaan dhihi karaa waa sheeko cajiib ah sababto ah aniga maanta marka aan aq ri nayay waxaan joogay dukaan lkn xaqiiqatan waanba laabay aniga oo didayo mash qoolka kastamka ilaa aan ka aqriistaay walalha alcarabiya waxn idin dhihi lahaay siilaba laaba barnamiishka nuucan ah mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>