Home » Arimaha Qoyska » U Gaar Xaasaska ! Arimahan Ragga Aad Ayay U Jecel Yihiin In lamaantooda Ka Helaan Balse..

U Gaar Xaasaska ! Arimahan Ragga Aad Ayay U Jecel Yihiin In lamaantooda Ka Helaan Balse..

gabdho qurxoonDad badan ayaa aaminsan in raggu ka dhiiranaan badan yihiin dumarka oo aysan ka xishoon waxyaabaha ay niyada ka rabaa ama la xiriiro dareenkooda, laakin arintaasi su’aalo ayaa ka taagan oo waxaa soo baxaaya in arintu sidaasi aaney aheyn.

Waxaan u heynaa talooyin haweeneyda la qabo ee jecel iney ninkeeda farxad iyo kalsooni kula noolaato.

Raggu wey jecel yihiin in xaaskooda ay runta ka sheegto xilliga gogolasha dareenkeeda ku aadan ama sida ay jeceshahay iney wax u dhacaan, ha noqon mid iska aamusan ee ka qeybqaado dhinacaga.

Dareensii gacaliyahaaga jaceylka baaxada leh ee aad u qabto adigoo u marsiino dhinacyo kala duwan sida shumiska oo kale xilli uusan kaa filaneyn, haka sugin ilaa asaga uu baashida kula soo doonto, sida dumar badan ay aaminsan yihiin.

Raggu aad ayey uga cabsadaan iney haweeneydooda u sheegaan ama kala hadlaan iney yareyso culeyska jirkeeda, muhiimadu maahan inuusan ku jecleyn ama uu dhamaaday jaceylkii uu kuu qabay, laakin nin walba wuxuu jecel yahay in xaaskiisa jirkeeda uu noqdo mid isku dheelitiran.

Raggu aad ayey ugu wareeraan hadalada maldahan ee dumarka adeegsadaan, sida waxeysan raali ka aheyn oo ay waayahay dhahaan ama macno malahan dhahaan hadana ay daba socoto gocasho dhaawici karto xiriirkiina, noqo qof fasiix u sheegta waxeysan ogoleyn.

Ragga kalsooni aad u weyn ayey gelisaa haweeneyda gacan qabsiga leh, macnaha haweeneyda ninkeeda garab taagan ee la wadaagta maalmaha adag iyo kuwa farxada leh, islamarkaana dhiirigelin la garab taagan.

Ogow kaftanka iyo fara ka cayaarkuna wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay abuurida jewi is dhexgal ah adiga iyo odaygaaga.

Noqo mid mar walba ka shaqeysa jirkeeda iyo quruxdeeda, macnaha ha is dhihin kaad rabtay gacantaad ku heysaa maxaad iska qurxineysaa, si kasta oo aad gacanta ugu heysid qofkii aad rabtay hadana u diyaarsanow sida iyadoo ay tahay kulankiinii ugu horeeyey.

Share on Facebook

Comments

3 Responses to U Gaar Xaasaska ! Arimahan Ragga Aad Ayay U Jecel Yihiin In lamaantooda Ka Helaan Balse..

  1. Labadan gabdhood wan aqaana xaafada islii bey ku’noolyihiin saloon bey ka shaqeeyan wa gabdho wanaagsan lakiin waa hawiye habargidir

  2. Sacid Reply

    January 20, 2013 at 9:11

    Waaaaw gabadhi laga helilahaa aaaaawey

  3. Sacid Reply

    January 20, 2013 at 9:11

    Waaaw

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>