Home » Sheekooyin » Ex- Gacaliye..Farriintani Waxa Kaaga Imaaneysa Qof Kuu Furtay Laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada.. Nabsigaygu Kuma Helo

Ex- Gacaliye..Farriintani Waxa Kaaga Imaaneysa Qof Kuu Furtay Laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada.. Nabsigaygu Kuma Helo

somali girl  2013Bariida-san dabadeed, erayada farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo liigayaan qalbi naafoobay, naf qarracantay iyo maan qayirmay. Waxaanay ku Saabsan Yihiin wiil-ku-sheegii hanaqa iyo halbowlaha jaray hoobaan la moodaa hilbaheedu quban yahay. Haddaba, qaladba ha igu ahaatee, aniga oo waqtiga kuu dhawraaya waxaan isku dayay inaan hadal-tirada badan ka saaro, oo aan nuxurkeeda uun kuu soo gudbiyo ee adigu falkiso oo falanqayso. Waxaanay u dhignayd sidatan:

Ex- gacaliye………….Farriintani waxay kaaga imanaysaa qof kuu furtay laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada, kuu gargaartay goortaad u baahnayd, ku difaacday markaad maqnayd, ku dareensiisay inaanad kali ahayn, kaala qayb qaadatay farxadaada si ay u laban laabanto iyo murugadaada si ay u fududaato, dhagaysatay cabashooyinkaagii, tunkana u ridatay gefafkaagii. Haddaba, hadda ayuun baan ka soo miiraabay miyir doorsoonkii aan maalmahanba ku sugnaa, oo aan soo sare fadhiistay. Asxaabtii igu hareeraysnayd ma waydiin muxuu sidaa iigu sameeyay ee waxaan su,aalay: Tolow hadda xaalkiisu waa sidee?

Waydiintani inta ay af-kala qaad ku noqotay ayay indhaha isaga tebiyeen farriin dulucdeedu daar-nayd Naa heedhe, way ku khafiiftay walaal.

Waxaanse kuu sheegayaa inaanan kugu khafiifin,ee aan u qaadan laayahay tallaabada naxdinta leh ee aad ku boqna goysay jacaylkii aynu caruurnimo ku abaqaalnay.

U qaadan laayahay sida aad u baylihisay barashadeenii iyo maalmihii bilnaa ee aynu soo wada qaadanay. Una ilowday maalmihii adkaa ee noloshaada soo maray iyo sidii naf hurka lahayd ee aan kuu garab istaagay.

Maxaad laabtayda ku ilmaysay adiga oo xanuun la taag daran igana dalbatay inaanan waligay garabkaaga ka maqnaan.

Maxaan habeeno la gam,i waayay cishqiga aan kuu hayay ee miranaayay qalbigayga?

Hoogayga,e, haddii aad iga dal-doorsanayso, maxaad iigu abuuraysay jacaylkan xanafta iyo xanuunka kulul? Maxaad iigu ababinaysay beeraqan iyo boholyowgan aan kuu qabo?

Maxaad iigu habaysay haasaawe macaan iyo hadal halaasi ah oo haween laga wada raacay? Maxaad wadnahayga ugu diidanayd inay cid kale kula wadaagto?

Goortiise aad hantiday qalbigayga, huwatayna laabtayda, maxaad u halakaysay naftaydii taagta darnayd?

Alla maxaad beer-nugaylka kalgacalkaagu i baday ka faaiidaysatay oo aad asxaabtayda hortooda hadal qalbiga damqaya igu tidhi, anna aan iska dhega tiray sidii qof aan maqlayn. Maxaa dartaa iyo illaalinta axdigeena doqon laygu sheegay, dammiin la igu xantay, dadna aanu ku kala dhiman gaadhnay. Haddaba, Jacaylkii dhiiranaa, ee guyaalka aynu dhisaynay,dhibtana aan u marnay, dhammaadkiisii maxaad, dhimashadaa ula jeclaatay?

Naftaydii kuu hilowday, ee aad halyaygeeda ahayd, bal maxaad uba hiiftay, oo huqdaa aad u baday? Laabtaydii magacaaga, annigoo gabadha, oon garanaynin jacayl, guyaal aan ku xardhaayay, guulaheena ogaa, adna aad garanaysid, bal maxaad u giriiftoo, gebigaa uga tuurtay? Mise wada jirkeeniyo, jacaylkii dhexdeeniyo, maalmihii na soo maray waxay ahaayeen kuwa caadifada sindheernimo aan ku qaboojinaynay? Kuwa aan dhaafsiisnayn, dhayal la isku salaaxiyo, afkoo layska yar dhuuqiyo, bushimahoo laysku dhaweeyiyo, macaankii dhunkasheed? Kolay, kulama yaabani oo waxaad noqotay dhadhamo raac, taasaana keentay inaad Baasaboor iga raacdo oo aad curyaamiso jacaylkii guyaal dhexdeena ka ilmo roganayay. Waayo, waxaad ku talo jirtaa hirgalinta himiladaadii dhoof jacayl. Laakiin maanka gali, maalin baa iman doonta aad qiimigayga dhabta iyo sida qof iyo Baasaboor u kala qaalisan yihiin duruuf kasta oo jirta aad ogaan doonto.

Haddaba gacalihaygii horoow, maqalka guurkaagu wuxuu gilgilay gudahayga, waxaanu gantaalo sumaysan ku ganay laabtaydii ladhka jacaylkaagu jiifay.

Waxaanu galalafay habsami u socodka tacliintayda oo bil kama ag wareegin Jaamacaddii. Waxaanan baadhayay dhibta aan kugu sameeyay ee sababay kala tageena.

Waxbase ma helin, Wax walbana waxa igaga darnaa dadkii isku keen yaqaanay oo mar walba i lahaa: Hebel goormaad kala hadheen? Maxaadse walaalay u sii daysay wiil fiican buu ahaaye?

Anniga oo dhibtaa iyo dhakafaarkaa qaba, haddana waxaan kugu galbinayaa gob iyo caadkeed, gabadha aad guursatay bilaahi calayk ha marin dhibtii aad i marisay, ha dhaawacin qalbigeeda ee u dhibirsanoow, Haddii aad magac yeelato ha ugu kibrin sidii aad isugu kay waynaysiin jirtay, hana bahdilin sumcadeeda iyo dhegteeda ilayn waa gabadhe. Haddii aad la kulanto dhibna Alleba kuuma keenee, ha is odhan nabsigii baa ku haya, waayo waan ku saamaxay annigu, waxaanan kuu rajaynayaa adiga iyo xaaskaaga cusubba khayr fara badan. Anna waxaan ku uursamahay inaan qof wanaagsan helayo insha alla, ee ii soo ducee.

Waa tahay, farriintan oo nuxurkeedu ahaa intaa, waxaan la yaabay dhugmo badnaanta gabadha iyo dhoohnaanta wiilka iyo dhicisawga jacaylka, dharaaraha soo taxnaa, Waxaanan ku idhi iyada oo ilmaynaysa markii ay farriinta ii sheegaysay: Armay sidani kuu roon tahay oo qaddarku kuu qarrinayaa qof si walba kuugu qalma, iima jawaabin waxaanse foolkeeda ka dareemay farxad. Halka aan wiilkana niyadda kaga idhi: Nabsi guratay wiilyahow, goor aad heshaba.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-deeq)
Awliyo177@hotmail.com
Alla Mahad leh.

Share on Facebook

Comments

4 Responses to Ex- Gacaliye..Farriintani Waxa Kaaga Imaaneysa Qof Kuu Furtay Laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada.. Nabsigaygu Kuma Helo

  1. samsam Reply

    January 21, 2013 at 9:11

    asx gabadhas ilahey qalbikeda ha unadifiyo waxaase layaab leh 3 week ka hoor ayaan qoorey warqad sidan oo kale ah taalow ma warqadeydi ayaa laso copiyeey wanba naxey qoraalkan markan aqriyeey wana rumeysan waaye ma oogen dhiibkan weyn inleyla qaabo balse gabadhas waxaan ku dhiiri galinaya iney ka boogsan doonto waaye warqad saas ah waan qoorey inan udiirana waan rabey my ex mana udiirin waayo uma qalmo inu oogado xanuunka ihaayo ileen waaba farxadiise uuna igu taala gaaley balse jiihaad badan oon la kale nafteyda waan ka roonadey waxaana daarema inan good muugti ag inan ku jiirey iftiinkana uso baxey haawada caraaftedana waa darema ilaaha mahad leeh gabadhan qoraalka so diirtey waxan leyahey abaayo miid ayaa hubal ah waad ka boogsan doonta markasna waxaad heeli doonta qof ku koolkoliya waa hubal lakiin naftada waa inad jiihaad dheer la gasha hadi anigaba ka boogsadey dadku igu sheegeysan jiiirey adna waad ka boogsan doonta insha allah

  2. Cali deeq Reply

    January 21, 2013 at 9:11

    Masha’allah gabadhan sawirkeeda qurux badana timo qurxoon oo dhaadheer bey leedahay FG: ma’ogtahay gabadha timaha dhaadheer weyka raaxo badantahay mida timaha gaagaaban gabadha sanka dheer sanqaroorka shuban weyka raaxo badantahay mida sanka kuusan

  3. Hassan yare Reply

    January 21, 2013 at 9:11

    Waah, waah, waxaasa jaceyl ah war baa ka dhacay waa erayo aad umacaan masha,allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>