Home » Arimaha Qoyska » Ninkaada Sirtiisa Ma Ka Qariyaa ? Talooyin Muhiim Ayaan Ku Haynaa

Ninkaada Sirtiisa Ma Ka Qariyaa ? Talooyin Muhiim Ayaan Ku Haynaa

somali girlsMararka qaar haweeneyda ayaa si kadis u ogaaneysa in ninkeeda arimo qaarkood uu ka qarinayo taasi oo durba dhalineysa qilaafaadka dhanka qoyska ah .

Hadaba hadaad arimahaan ay ku haystaan , ka hor intaa adan kicin mushkilad waxaad is weydiisaa sababta ninkaada ku qasabtay in uu wax ka qariyo.

Kalsooni Darro : tani waxaa lagu tirayaa midda ugu daran ee dhalisa kuna qasabta ninka in uu  ka qariyo xaaskiisa arimo badan , waxa ayna u laaban kartaa tijaabooyin hore uu soo maray ama in adiga uusan kugu kalsooneyn .

In Si Beer Jileecnimo Ah Aad U Wajahdo Arimaha : haweenka aad ayay ugu beer jilcan yihiin arimaha qaarkood , taasina waxa ay ninkaada ka yeeleysa in uu ka shakiyo awoodda aad u leedahay in aad u dul qaadato arimaha qaarkood , waxa laga yaaba in uu ka baqayo in arintaas ay saameyn kugu reebto , hadaba si caqliyesan ula tacaamul arintaan oo cadaadis haku saarin ninkaada in  banaanka uu  soo dhigo waxa uu qarinayo waayo mushkilad kale ayay dhalin kartaa.

Tijaabooyin Hore Oo Fashilmay : la iskama indho tiro karo tijaabooyin xun oo hore iyo saameynta ay ku leeyihiin la tacaamulidda ninkaada , waxaa laga yaabaa in tijaabo hore oo ah in arin haysatay uu kala hadlay dhinac kale balse kadis ay ku noqotay in arintii bananaka u soo baxday .

In Si Qaldan Wax Uga Fahanto . Ninkaada waa uu ka qarinayaa waxa laabtiisa ku jira maxaa yeelay hadii uu dareensan yahay in si qaldan u fasiraneysid hadalkiisa taasi oo qilaafaad keeneysa .

Waxa Uu Ka Baqayaa In Uu Ku Waayo: cabsida uu ka qabo in aad ka fogaato ayuu ninka u sameynayaa in uu wax qariyo gaar ahaan hadii arimaha ay la xariiraan dhanka ganacsiga ama arimo quseeya qoyskiisa.

Alcarabiya hoyga arimaha qoyska , nagala soo xariir alcarabiya1@hotmail.com 

Share on Facebook

Comments

6 Responses to Ninkaada Sirtiisa Ma Ka Qariyaa ? Talooyin Muhiim Ayaan Ku Haynaa

  1. Mustaf Reply

    January 23, 2013 at 9:11

    Mahad dheere fikarka uu qabo waxay tahay.1-qoys bur bura inaan qeexno si loo ogaado xaqiiqda dhabta ah. Forexample dhaqtarka wuxuu waxku daweeya bukaanka waxa uu utilmaamo isagoo bukaan looga baahanyahay inuu karunsheego dabadeed dhaqtarka markaa suu raad helaa talo & dawana qoraa bukaankuna sida dhaqtarka kulataliyo ayuu kudhaqaaqaa waa marka dantiisa & caafimaadkiisa dani kahayso. Marka aan tan qoyska usoo noqdo intaan loo gudbin reer in layagleelo waa in laga hormariyaa karun sheegida danaha laba ruux ay isugu yimaadeen inay tahay mustaqbal ama si kalaba hanoqotee haday noqoto mustaqbal waa in marka hore la isla ogolaadaa intaa taa loogudbin haday noqoto in la isla fahmo taa(step 2) is hor fariisiga xiga waa in dabeecad ahaan la is derso qof waliba si un baa dabeecadiisu tahay talaabada xigta hadii dabeecada la isdhaafsado kolay in lawada fiicnaado ama 100% laga sinaado manoqonayso balse muhiimuda waxay tahay qofba qofkii kale ayuu dabeecadiisa bartay sida halka boogta kaga taal & dhankiisa san markaa laga gudbo waxaa meesha imaanaya khamaar ah sidaa kuraac ama kagatag hadaad kaga tagto ceebmaleh oo feker ayaa lugu kalatagay oo qofba si ula muuqday taana maaha in lakala dhintay. Haday noqoto in wareegaa lagasoo gudbo waxaa shaqeeyay xaga sare ama dhanka alle wax kayimid sida calaf markaa waxa lakala faa iiday in qofba qofka kale in uu yaqaan dhanka boogta kaga taal & dhanka san iyadoo saa la isu bartay waa in loogudbaa yagleelida reerka iyadoo waliba qofba qofka kale yaqaan qod qodka hoosana in la’isu yeesho waa in laga doorbido sariigta ama xishoodka maxaa illaah (sw) ayaa isna quraanka kusheegay suuratull waylu lukuli in qof waliba uu qofkale ceebtiisa sheegin taa haday dhacdo bur bur qoys lawaayimaayo cadaabkii alle aduun & aakhiroba waa diyaar hadaan ugudbo qoys in uu samaysmo labada qof-qof dabeecadii ayaa lagu wada socdaa hadii midu qaloocanyahay waa in kale uu usamraa isagoo waliba kankale waa in loo nasteexayo ninka & qofta haweenaba miduu noqdoba marka akhristow fekerka & qoraalka rag & dumarba in badan ayaa khaldan rag& dumar inta page kaan wax kuqudhay haba ubadnaadeen dumar qoraal qaldan hada qodhay sida gabadha mawduuca kabilowdow waa in la ogaadaa ninkaaga fekerkiisa hoose taasi maaha xal abaayo kagudub kana waantoow raga qoraal ka khaldan yahay iyagana kudaabacay sidoo kale gunta & gabagabada waxay tahay guurka maalmahan wuxuu yahay mid khaldan marka loo eego dhaqankii hore ee soomaalida dhanka guurka labadii isdoonaba iyaga oo dhaqan ahaan is fahmin ayay is helayaan dabeed sifudud wixi isku helaa si fudud inay kubur burayaan shaki kuma jiro dulqaad hadaan la isu muujina waa labur burayaa hadii qofka maankiisa ay kusoo noqnoqoto sidee hebel uqaldamay ee aan la oran khaladka waa dhacay sidee loosaxaa loogana gudbaa mashaakil waa imaan nabadey(Auth-mahad dheere tell-nom.0712632621/0700184032 Kenya Hagadere camp-thank’s.alot Dear/sir goodnight) fadlan qoraalkan raac kii hore xuruuf an kategay ayan marka isha mariyay waxan dareemay khalad qoraalka kan ka horeeyay inuu kujiray sida erayada conjection-da-isku xirayay oo aan meelo katagay taa halaraali ahaado maxaa yeelay markaan qorayay daal ayaan dareemayay dhanka maskaxda balse nafta waxan kuqasbayay inaan bulshada inaan feker saliim ah ureebo waana goordanbe raali ahaada

  2. Mustaf Reply

    January 23, 2013 at 9:11

    Mahad dheere fikarka uu qabo waxay tahay.1-qoys bur bura inaan qeexno si loo ogaado xaqiiqdo dhabta ah. Forexample dhaqtarka wuxuu waxku daweeya bukaan waxa uu utilmaamo isagoo bukaan looga baahanyahay inuu karunsheego dabadeed dhaqtarka markaa suu raad helaa talo & dawana qoraa bukaankuna sida dhaqtarka kulataliyo ayuu kudhaqaaqaa waa marka dantiisa & caafimaadkiisa dani kahayso. Marka aan tan qoyska usoo noqdo intaan loo gudbin reer in layagleelo waa in laga hormariyaa karun sheegida danaha laba ruux ay isugu yimaadeen inay tahay mustaqbal ama si kalaba hanoqotee haday noqoto mustaqbal waa in marka hore la isla ogolaadaa intaa loogudbin haday noqoto in la isla fahmo taa(step 2) hor fariisiga xiga waa in dabeecad ahaan la is derso qof waliba si un baa dabeecadiisu tahay talaabada xigta hadii dabeecada la isdhaafsado kolay in lawada fiicnaado ama 100% laga sinaado manoqonayso balse muhiimuda waxay tahay qof qofkii kale ayuu dabeecadiisa bartay sida halka boogta kaga taal & dhankiisa san markaa laga gudbo waxaa meesha imaanaya khamaar ah sidaa kuraac ama kagatag hadaad kaga tagto ceebmaleh oo feker ayaa lugu kalatagay oo qof si ula muuqday taana maaha in lakala dhintay. Haday noqoto in wareegaa lagasoo gudbo waxaa shaqeeyay xaga sare ama dhanka alle wax kayimid sida calaf marka waxa lakala faa iiday in qofba qofka kale in uu yaqaan dhanka boogta kaga taal & dhanka san iyadoo saa la isu bartay waa in loogudbaa yagleelida reerka iyadoo waliba qofka kale yaqaan qod qod hoose in la’isu yeesho laga doorbido sariigta ama xishoodka maxaa illaah ayaa isna quraanka kusheegay suuratull waylu lukuli in qof waliba uu qofkale ceebtiisa sheegin taa haday dhacdo bur bur qoys lawaayimaayo cadaabkii alle aduun & aakhiroba waa diyaar hadaan ugudbo qoys uu samaysmo labada qof-qof dabeecadii ayaa lagu wada socdaa hadii midu qaloocanyahay waa in kale uu usamraa isagoo waliba kankale unasteexaynayo marka akhristow fekerka & qoraalka rag & in badan ayaa khaldan rag& dumar inta page kaan wax kuqudhay haba ubadnaadeen dumar qoraal qaldan hada qodhay sida gabadha mawduuca kabilow waa in la ogaadaa ninkaaga fekerkiisa hoose taasi maaha xal abaayo kagudub kana waantoow raga qoraal ka khaldan iyagana kudaabacay sidoo kale gunta & gabagabada waxay tahay guurka maalmahan wuxuu yahay mid khaldan marka loo eego dhaqankii hore ee soomaalida dhanka guurka labadii isdoonaba isdoonaba iyaga oo dhaqan ahaan is fahmin ayay is helayaa dabeed sifudud isku helaa si fudud inay kubur burayaan shaki kuma jiro dulqaad hadaan la isu muujina waa labur burayaa hadii qofka maankiisa kusoo noqnoqoto sidee hebel uqaldamay ee aan la oran khaladka waa dhacay sidee loosaxaa loogana gudbaa mashaakil waa imaan nabadey(Auth-mahad dheere tell-nom.0712632621/0700184032 Kenya Hagadere camp-thank’s.alot Dear/sir goodnight)

  3. Jaceeloow Reply

    January 23, 2013 at 9:11

    Kuwan ma naago ah naga taga idinkana dooq ma lihdiin ayagoo qurux laheen ayey hadana cowradoda qaawiyaan uf waxan wax ka qurxoon oona asturan ayan guursan rabnaa uf caleyk

  4. dhex dhaxaad Reply

    January 22, 2013 at 9:11

    kkkkkkk kaalay idinka maxaa sawirka idinka idinku mashquuliyay mowduuca aragtidiina ka dhiibta wax waalan iga dheh

  5. habar wareertay iyana Reply

    January 22, 2013 at 9:11

    oday alcarabiya intee ku hayaan kuwaan cinwaakooda iyagaba ayaa ku guuri lahaaa kkkkk sawirka lee isaga dhagso duqa

  6. oday wareray Reply

    January 22, 2013 at 9:11

    war aniga labaad kale kuwo sawirka sir kamaba qariyeen xaax alcaraboya labadaan meel laga helo i sheega as oday magale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>