Shabakada Alcarabiya.com waxa ay u baahan tahay shaqaale cusub oo ka mid noqda bahda alcarabiya.com ee howsha balaaran u haya bulshada xiiseysa arimaha bulshada . Hadii aad dooneyso inaad la shaqeyso alcarabiya fadlan fiiri sharuudaha ku horyaala, islamarkaana inagala soo xiriir alcarabiya1@hotmail.com
Sharuudaha lagaaga baahan yahay:
1- Inaad kasoo baxday ugu yaraan dugsi sarre
2- Inaad si fiican u taqaano luqada Ingariiska iyo tan Soomaaliga, hadii aad taqaano luqad kale oo dheeri ka sii ah waxaad leedahay texgelin gaar ahaaneed.
3- Inaad tahay qof agabka shaqada lagaaga baahan yahay si fudud ku heli kara, tusaale ahaan Computer iyo Internet
4- Inaad leedahay aqoon saxaafadeed, islamarkaana aad xiiseyso arimaha bulshada
Hadaba hadii sharuudahaas ay yihiin kuwa aad ka soo bixi karto fadlan email inoogu soo dir alcarabiya1@hotmail.com inaga ayaa 48 saacadood gudaheeda kuu soo jawaabi doona.
Share on Facebook
Fathy abdulahi
28- January- 2013 at 9:11
Asc dhamaan bahada alcarabiya waxaan gaar usalaamayaa shaqalayaasha iyo dhaman wixii kulug leh hadaan idinka faalodo bahda aqoontayda runtii axaan ahay arday 12naad hada kabaxay waxaan diyaar uu ahay inan shaqaale kamid noqdo waan xisan jiray waxyaabaha ay alcarabiya kawariso ama ka sheekeyaan marka walal cod sigayga ha la ii tix galiyo jwbtan waxaad igu soo diraysaan hotmailkayga mahad sanidiin
Guleed dahir
26- January- 2013 at 9:11
Dhamaan waad salaamantihiin maamulka iyo shaqaalaha webka alcarabiya.waxaan ahay wariye hore uga so shaqeeyay saxaafada gaar ahaan idaacadaha maqalka ah ee ku baxa af soomaliga waxaan ku noolahay caasimada nairobi ee dalka kenya waxaan akhristayaasha ku taxan alcarabiya. Waxa ii farxada ah fursadan aan la kulmay si aan uga mid noqdo shaqaalaha alcarabiya fadlan stope adiga leh-and job aniga leh.mahadsanid
Jama ahmed ali
24- January- 2013 at 9:11
Asc Fadlan thanks waan soo diray codsigayga waxan ahay akhristayaasha dhabta ah ee webka imikana diyaar ayaan u,ahay inaan shaqaalaha webka noqdo insha allah wax badan ayaan kusoo kordhin doona webka alcarabiya waad mahadsan tihiin
Jama ahmed ali
24- January- 2013 at 9:11
Asc Fadlan thanks waan soo diray codsigayga waxan ahay akhristayaasha dhabta ah ee webka imikana diyaar ayaan u,ahay inaan shaqaalaha webka noqdo waad mahadsan tihiin
Mustaf
23- January- 2013 at 9:11
Alcarabiya waad mahadsantihiin fursadan waan inaan kasoobixikaro magacyga waa mahad dheere waxaan ahay nin luqada englishka sifiican ugu hadla shahaado dugsi sarana haysta barnaamijyada saxaafadana waxkayaqaan inkastoo an sii gudagelin laakiin mawduucyada bulshada meela badan oo aan ra’ayi kadhiibtay ayaad qoraalkayga kahelaysaan taasoo aad kadheehan kadhaan qoraalkayga mugga& culayska uu xambaarsanyahay forexample qiimaynta & qoraalka afsoomaaliga oo aan hodanka ka’ahay alle nimuu kudhibayna inaan ahayn waa hadaad doonaysaan fursada inaad bulshada usoo bandhigteen in dadku helo idina aad heshaan dadkaad danaysaan. Jaaw: Dear/sir my tell 0712632621/0700184032–hagadere camp refugee kenya