Waxaa muhiim ah in haweeneydu ay garato in ninka uu sabar yar yahay ayna sahal tahay in si fudud uu uga caroodo fal dhaqameedyadaada , ogoow haddii haweeneyda u dhaqanto sidii gabar yar si fudud ayay ku weynesaa kalsoonida iyo qadarinta ninkeeda.
Hadaba shabakada arimaha qoyska ee alcarabiya.com ayaa ku siineysa talooyin kuu muujinaya in si waali aad ugu dhaqmeyso jaceylka ee hadaad isku aragto calaamadahan daji xawaaraha jaceylkaada uu ku socdo gabaryaheey.
1- Si Joogto ah ayad ula xariireysaa fariiman ugu direysaa: Haweeneyda waxa ay aad u jecashahay in ninkeeda qalbiga u dajiso maalintii xiligaas oo shaqada ku maqan yahay , balse xariiradaas isku xig xiga ee aad sameyneyso iyo fariimo qoraaleedka aad ku waaleyso wax aay ninkaada ka yeelayaan mid kacsan oo xanaqiisa ayaa cirka galayaa waxa ayna taasi si cad ugu muujineysa in aadan ku kalsooneyn aadna qabto jaceylka waalida .
2- In Aad Qof Waliba Weydiineyso In Uu Ku Jeclahay : Haweeneyda aad ayay ugu farxdaa marka ay dadka kale ka ogaato oo ay ka maqasho in ninkeeda uu iyadu mar waliba ka sheegeeyo uuna aad u jeclahay , balse in qof waliba oo yaqaan ninkeeda in ay weydiiso in ninkeeda uu jecel yahay waxa ay taasi keeneysaa qilaafaad badan waxa uuna ninkaada dareemaayaa in jaceylka nooca waalida aad qabto hadaad habkaan u dhaqanto.
3- In Aad waqti Badan Ku Jirtid Internet-ka Si Aad U Eegto Waxa Uu Sameeynayo : Suura gal kuuma ah in ninkaada aad kormeerto xitaa isaga oo joogo xafiiskiisa ama goobta shaqada adiga oo doonaya in aad la socoto waxa uu shabakadaha lagu sheegeysto ee Internet-ka ka dhex hayo , tanina waxa ay u cadeyneysaa in wax yaabaha qaar ka waalan tahay oo aadan qabsaneyn waxii shaqadaada aheyd .
4- Mar Waliba Waxa Uu Arkayaa Adiga Oo Aad Ugu Dhaw : marka uu ninka xaaskiisa wax weydiiyo uu helo iyada oo hoostiisa joogto oo aadan ka fogaaneyn tanina waxa ay dareensiineysa in aad ku waalan tahay kalgaceylkiisa aadna u dhaqmeyso hab qaldan .
5- Waxa aad jaceylkaada ugu muujineysaa hab ka bad badis ah : waxaa muhiim ah in haweeneyda u muujiso ninkeeda jaceylka ay u qabto , balse waxaa muhiim ah in aysan ka bad badin taasi waxa ay ku qasbeysaa in ay ku qasaarto kalsooniidiisa , waa uuna ka caroodaa isaga oo u arka in waali ay sameyneyso .
6- In Aad Taleefankiisa Mar Waliba Baarto : Wax ceeb ma ah in haweeneyda ay eegto wicitaan dhanka talefanka ninkeeda ah , balse waxaa wax lala yaabo ah aragtidada alcarabiya.com in mar waliba aad daris la ahaato taleefanka ninkaada saacado badan, hab dhaqankaasina waxa uu ninka tusinayaa in waali ay tahay .
Hadaba talada alcarabiya ayaa ah in jaceylkaada uusan noqon mid ka bad badis ah oo uu lahaado xad , fikirkaada ku aadan mowduucaada waa inoo muhiim ah .
Alcarabiya Hoyga Arimaha Qoyska , Waad Ku Share Gareyn Kartaa Facebook Adiga Oo Calaamadda Hoose Taabanaya .
.
Share on Facebook
Abdukadir cadaay
January 31, 2013 at 9:11
Masha allah alcarabiya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
nasro
January 27, 2013 at 9:11
asc whl arinkaan wa ku farxey waxaa muudaa in dhaqaneyga laga hadlaayo walaalayaal tale ii siiya sidee isaga jiraa ninkeyga ayaan sidaan ula dhaqma
SAMIIRA
January 27, 2013 at 9:11
KKKKKKKKKK alcarabia wlhi waa runtiin thnkz nimnka looma muujiyo ind ad u jeceshay wa isla baxayaan lolz lmba daneeyo cml inuu jiro iyo inkale kkkkkkkkkkkkk
Mustaf
January 26, 2013 at 9:11
Deg-Deg- wariyaha mustaqbalka dhow. (mahad c/llaahi- mahad-dheere- or long-man) waxan ka iri mawduucan socda dumarka soomaaliyed ayaa dhibka kasameysan balse waa digniin isdaryeela oo danta maad garataan: dumarka caadaystay inay raga daba socdaan amaba ubadan heblaayo hebel iilaali horta goormay ilbaxayaan waa mid: tellka naaguhu baartaan iyagoo eegaya waxa soowacay waa khalad waxaase kaliita ninka taa usuurta galiyay ayaa kaliita inta iyada khaladka aan saarin labada qof waliba xadgudub inuu kan kale kulakaco waa khalad waa in sharciga la’isu soogudbin haladhowro sharciga war waxan kaga haray naagta ninka daba dhaqaaqda marku dhaqaaqo ama tiraah kaahari maayo ninka wax ugu dhin haday tahay isaga wax uma dhimin ee iyadaa wax isu dhimaysa dhankasta qorshu wuxuu yahay jacaylna maaha ee waa dankale ujeed istaahilkeeda waa in lafuraa kan laga helaana waa doqon midka rag uliita kuwa laqabo iska daaye kuwa aadan qabin yaad arkaysaa waxaa taa looga bad baadi karaa inta aan la is helin in la isbartaa hadii la’is helaana waa in sharci adag lakala saxiixdo si aan geedo dhanka shishe la isugu soo gaban.(Auth-mahad dheere dhaadey cigaal aadan) tell- nom-0700184032/0712632621 kenya Hagadere camp)
Saaqaluul
January 26, 2013 at 9:11
WAA RUN,, WAX WELIBA DHEXDHEXAAD BAY KU FIICASN YIHIIN.. LANADA QOF JACAYLKOODA INAY KA BADBADIYAAN MAAHIN, WAX WELIBA WAA INAY XAD LEEYIHIIN HADDII KALE WAALI BAY NOQONAYSAA
laabsalaax
January 25, 2013 at 9:11
kkkkkkk jaceeelka wuxuu u baahan yhy
Miisaan waa inuu isku dheeli tirnaado
Oo la is qiimeeyo mid kasta wuxuu jecel yhy
Iyo wuxuu dhibsanaayo marka
Waxaa horay loo yiri
Dumarka ilahayow yaaysan aad noo jeclaan manala jari karee 2 dumarka ilanayow yaaysan na nicin nalama karee
Dhex dhexaad
Muqtar daanlaawe
January 25, 2013 at 9:11
Jceyl xad dhafay maxan ku daweynaa/
Run ku dhinte
January 25, 2013 at 9:11
Masha allah wali maanan guursane naga si tobabara al carabiya gabdho traingaraysan an u imado
Abdorahman jaceelow
January 25, 2013 at 9:11
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waaaaaaaaaaaw waa run naagaha iney nagu waashaan manala wanaagsana alcarabiya waa arin dhab ah wlhi
Sacid
January 24, 2013 at 9:11
Waaw
hooyo somaliyed
January 24, 2013 at 9:11
kk alcarabiya labadii maqal ee ugu dambeyay wa kululahay i mean isku dir camal , dhex dhexaadnimada haka bixina
qalanjo luula
January 24, 2013 at 9:11
kkkkk alcarabiya jini aya tihin walahi gacan ayan idin taagay rer fashil aya tihin
naro uk
January 24, 2013 at 9:11
ragga lamaba tuso jaceylka xoogan ee ka bad badiska waa run shekadan buur ayay isa soo saarayaan viva alcarabiya
oday wareeray
January 24, 2013 at 9:11
kk alcarabiya nagaha hanagu dirina kkkk jaceylka ka bad badis ayaan ad u jeclahay , waxan nagaha hadi aqriyan sheko cusub no kenayaaan
hani quruxleey
January 24, 2013 at 9:11
kkkk walee alcarabiya wa run , ninka ma jecla jaceylka ka bad badiska ah isha ayad ka rideen