Home » Cayaaraha » Chelsea Oo Wajaheysa Wajiyaal Faransiis Ah Iyo Newcastle Oo Safeysa Xidigaheeda Cusub

Chelsea Oo Wajaheysa Wajiyaal Faransiis Ah Iyo Newcastle Oo Safeysa Xidigaheeda Cusub

chelsea vs castleTababaraha Newcastle Alan Pardew  ayaa doonaya inuu lasoo baxo Xidigihiisa Cusub ee Suuqa uu kala soo wareegay ciyaarta ay ka hor Imaanayaan Chelsea.

Steven Taylor  ayaa u soo laaban doona kooxda Newcastle United Mudo uu garoomada ka maqnaa.

Xidiga Cusub ee qadka dhexe Newcastle United Moussa Sissoko iyo Weerarkeeda Jadiidka ah Yoan Gouffran ayaa diyaar u ah in Chelsea wajahaan.

Dhinaca kale Goolhaye Petr Cech  ayaa lasoo warinayaa inuu safankaro kulankan adag.

Petr Cech  ayaa seegay ciyaartii 2-2 ay la galeen Chelsea kooxda Brentford waxaana uu booska kala baxayaa dhigiisa Ross Turnbull halka Juan Mata  uu ka cabanayay bartamaha todobaadkan dhaawac.

John Terry ayaa u qaabeysan inuu ku soo bilowdo daafaca kooxda.

Eden Hazard  ayaa la kowsan doona ganaaxiisii ugu dambeeyay ee Sadaxaad oo garoomada laga ganaaxay Maadaama kulankii Swensea wiilyar uu faceystay ama uu la dagaalay.

Ogow
Demba Ba ayaa markiisii ugu horeysay waxaa uu ka hor imaanayaa kooxdiisii hore ee Newcastle United waa hadii uu Benitez uu ku soo daro Liiska Xidigaha safanaya.

Frank Lampard ayaa dhaliyay Shan Gool lexdii ciyaar ee ugu dambeeyay uu safto,waana Nin halis ah laakiin da’da lagu ciilayo.

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>