Home » Arimaha Qoyska » Ninkaada Aad Ayuu U Shaqeeyaa Somaa? Hadaba Habkaan Ula Dhaqan .

Ninkaada Aad Ayuu U Shaqeeyaa Somaa? Hadaba Habkaan Ula Dhaqan .

111Waa qasab in ninka uu u shaqo tago qoyskiisa iyadoo maqnaashaha badan iyana ay ka careysiineyso haweeneyda ee hadaba talooyinkaan raac.

Tix gili daalka haya : waxaa waajib kugu ah in aad qadariso daalka haya si aad ula tacaamusho ninkaada oo ogaaw in adiga iyo caruurtaada uu u maqan yahay oo cadaadis ha saarin.

Is Bar bartaag: waxaa kuula gudboon in aad is bar bar taagto ninkaada aadna ka yareeyso dhibka shaqada , mar waliba caawi marka aad aragto in uu daalan yahay , dhiira gili si uu nasiino uu u dareemo.

Haku qaylin : waxaa laga yaabaa daalka dartiis in uu doonayo ninkaada in uu kaa yaro fogaado , balse in aad ku qayliso kuuma soo dhaweyneyso balse xaalka ayuu sii cakiranayaa waa uuna kaa caroonaya ee haku qaylin.

U dul qaado dib dhaciisa: waxa uu ninkaada ku qasbanaan karaa in uu xoogaa ku soo daaho shaqada ee fahan daalkiisa waa hubaal waa uu kaaga mahad celinayaa.

U sii diyaari cabitaan macaan : waxaad tix gilintaada ugu muujin kartaa ninkaada in guriga uu ugu yimaado cabitaan diyaarsan iyo cunno heer sare ah

U mahad celi : u mahad celi marka uu sidaas shaqada uu uga yimaado waxaad arkeysaa isaga oo dhoola cadeynaya kuguna farxaya .

Alcarabiya Hoyga Arimaha Qoyska  , Waa Muhiim Fikirkaada Ku Aadan Mowduucaan.

 

Share on Facebook

Comments

One Response to Ninkaada Aad Ayuu U Shaqeeyaa Somaa? Hadaba Habkaan Ula Dhaqan .

  1. marka hore wad salaman tihin marka xigda wan idinkaga mahad celinaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>