Home » Cayaaraha » City Oo Liverpool Wajaheysa Iyaga Oo Jiisaya , Maicon Ayaa La Maciin Bidiyaa.

City Oo Liverpool Wajaheysa Iyaga Oo Jiisaya , Maicon Ayaa La Maciin Bidiyaa.

cityManchester City ayaa markale waxaa ay ciyaari doontaa iyadoo uu ka maqan yahay Ciyaaryahankeeda kabtanka ee Vincent Kompany kulanka Caawa garoonkooda Etihad ay ku qaabilayaan Liverpool.

Kooxda Horyaalka England ayaa ku raja weyn Matija Nastasic oo ciyaartii QPR kursiga keydka ku jiray inuu safto islamarkaana uu buuxiyo booska Vincent Kompany dhanka kalana Javi Garcia oo qad dhexe ah ayaa laga yabaa isagana in lagu soo daro Line Upka hore.

Daafacii Inter Maicon ayaa tababarka kooxda lagu arkay waxaa lagu wadaa isaga iyo Micah Richards in bishan gudaheeda ay garoomada dib ugu soo laabtaan.

Manchester City waxaa ka maqan Labada walaale ee isla dhashay Yaya Touré iyo Kolo Touré kuwaas oo ku maqan guadashada Waajibaadka dalkooda.

Dhinaca Liverpool ciyaaryahanka Cusub ee Liverpool Philippe Coutinho ayaanan la filayn inuu safto ciyaartan ay Man City ka hor imaanayaan.

20 Jirka Brazil ayaa maalmo kooban ku noqday Milaano mana soo laaban doono ilaa todobaadka Xiga.

Jose Enrique oo ka muuqday kulankii Arsenal ayaa lagu soo darin doono xidigaha ku bilaabanaya garoonka.

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>