Home » Arimaha Qoyska » Masareey: Xagee Baad U Socotaa? Warbixin Xiiso Leh Si Degan U Aqriso

Masareey: Xagee Baad U Socotaa? Warbixin Xiiso Leh Si Degan U Aqriso

somali girlsMasareey, duruufo adag iyo dar-xumooyin badan oo dushaada ka muuqda, marka aan is idhaa qalinkayga u qaadaba, damiirkaygu wuxuu i leeyahay: Adiga oo Soomaaliya, Masar waxba kama sheegi kartid, waxna uma sheegi kartid. Markaasan iska dhigayaa.

Maantase waan ku gacan saydhayaaye, waxaad tahay hooyadaydii labaad. Waxaad tahay muftaaxii maskaxdayda miridhka aqoon la’aanta ka tir-tiray. Waxaad tahay meeshii igu habtay godolkii iyo gadhoodhkii garaad badanaheedu guyaal ka hor gurboodkeeda u dhigeen. Deeqdaa aqooneed ee aad igu soortay waa tan iga hadashiinaysa; waa tan ii diidan inaan dushaada saxar ku tuuro; waa tan aan kuugu damqanayo sidii aad hooyaday (Soomaaliya) tahay.

Haddaba, malmahan waad hugmaysaa, oo halaag iyo horumar baad midkood qarka u saaran tahay. Male-xun oo lagaa qabay baad moodaa inuu soo rumoobayo. Dhammaan ubadkaagii baa wada cabanaya; cadhoonaya, cartamaya, caytamaya, ciishoonaya. Kacdoonkaagii shucuubta adduunku la wada ashqaraareen baa shaashoonaya oo sii shiiqaya. Wiilal hagoogan iyo kuwo haraadan baa kacdoonkii dhalintaadu dharaaraha u dhan qalmeen dhuun dheer raba inay ku dhuuqaan. Dhaqaalahaagii baa maalinba maalinta ka danbaysa hoos u sii dhacaya. Warar dhiilo leh baan maalintii alle keenaba saxaafadaadu sadarada hore ku dhigaysaa.

Waad fool halawsan tahay, oo foore colaadeed baa fagaarahaagii ka taagan. Dhawaaq baa ka baxaya, dhagax baa ka dhacaya, dhaawac baa ka jira; dhimashana waa ina daan wayne. Ciidankaagii fadhiidnimo ayaa iiga muuqata. Culimadaadiina fud-fudayd, cilmaanigaagiina fir ka nax.

Kacdoonkaagii xukun buu bedelay ee dadkaagii ma bedelin. Qof waliba dantiisa ayuu heegan ugu jiraa, oo taadii waa la ilaaway sida Soomaaliya. Axsaabtan tirada beeshay waxay hadh iyo habeen; guure iyo galab caraw ugu jiraan sidii ay xukunka ugu guulaysan lahaayeen. Dimoqraadiyadda waxay u haystaan doorasho xor ah oo la galo oo kaliya. Waxayse moog yihiin in dimoqraadiyadda dhabta ahi tahay, ta dammaanad qaadda qofku sidii uu ku heli lahaa nolol maalmeed ku filan oo rasmi ah. Taasina ay ku imanayso wax soo saarkaaga beereed oo aad ahmiyadda wayn siiso. Kaaga warshadeed oo aad kor u qaad wayn ku samayso. Batroolkaaga dadeed(caqliga) ee aad haysato oo aad ku baraarugsanaato, kana faaiidaysato.

Ubadkaaga oo aad dareensiiso tabashada maanta inay bari u dhigtaan oo ay tabar iyo taagba isugu geeyaan sidii ay kuu tiirin lahaayeen, kuuna toosin lahaayeen. Sidii ay dhegaysi iyo dhugmo ugu lahaan lahaayeen dhawaqa waddaniyadeed ee wax garadkaaga ka soo burqanaya. Masareey, hadal badan uma baahnid ee hawl badan baad u tahay. Intan aan ku leeyahayna waxa kaaga sii baahi badan beledkii aan ku dhashay, u dhashay, ee aad kalgacalkiisa igu dhiiri galisay. Ugu danbayn abaalkaagii erayadaydani in yar ma ka gudayaan? Haddii ay jawaabtaadu tahay haa, waxaan ku leeyahay:

Waan kuu ducayniye,
Dalkaygii labaadeey,
Degelkii aqoontaay,
Dugsigii adyaantaay,
Deeqdii wabiga niilkay,
Ilbaxnimada dunidana,
Bartii laga dab qaadee,
Dunidaw horaysaay,

Deeq badanahay iyo
Daayin baan yar tuugiye,
Dagaal kuma haleeloo,
Dadkaagu isma laayoo,
Dibjir aan naxayniyo,
Dawdar kuuma taliyoo,
Danahaa ma biiyee,

Nabad doora oo wacan
Deganaansho iyo khayr,
Ayaan kulaba doonee,
Adna yara dedaaaloo,
Kala daad-sanaantiyo,
Debecsanida iga dhaaf.

W/Q: Axmed Ismaaciil Maxamuud ” Ahmed Deeq ”

awliyo177@hotmail.com

 

Share on Facebook

Comments

7 Responses to Masareey: Xagee Baad U Socotaa? Warbixin Xiiso Leh Si Degan U Aqriso

  1. Ma fahmin qoraljan

  2. Maadigaa yiri Reply

    February 6, 2013 at 9:11

    iima dhadhameeso naagta hadii aysan kintir lahayn there is no lathar dhadhan ma’leh waa dhanaan aniga ma rabo futo is ku dunsan kintirka ha shaqeeyo booskiisana ha buuxiyo that is simple

  3. Xeraale boy Reply

    February 6, 2013 at 9:11

    Naagahan wa kuwa jabtada laga qaado waa dhiiqo adoo lugaha lagalay oo kale transmited desease HIV wey qaban

  4. zaki Reply

    February 6, 2013 at 9:11

    anigu waa banyaabay e waa maxay qoralkan saan naag u maleyey waa masar

  5. Bishaaro Reply

    February 6, 2013 at 9:11

    Maxa loola jeedaa qoraalkan wanba fahmi waaye

  6. Hanad Reply

    February 5, 2013 at 9:11

    Yaaaah waryaa gabadha garba saarka baluugale waxaanba mooday saxiibtey sidaas dartad waa in aan soo fiiriyaa sariirta

  7. Ubax & farxiyo nin'kooda Reply

    February 5, 2013 at 9:11

    Ma fahmin qoraakan meeshuu u socdo iyo meeshu ka socdo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>