Xulka Nigeria ayaa u soo baxay Finalka koobka African Cup Of Nations kadib markii 4-1 ay ku lagdeen Xulka Mali.
Ciyaar adag oo labada dal dhexmaray caawa ayaa waxaa ku soo baxay xulka Nijeria oo Semi Finalka koobka soo istaagay 13 jeer.
25âdaqiiqiqo goolka koowaad waxaa u dhaliyay Elderson,30 daqiiqo Brown Ideye ayaa u raaciyay,44 daqiiqo Emmanuel Emenike kan afaraadna waxaa saxiixay Ahmed Musa.
Goolka calanka Cheick Fanta Mady Diarra ayaa u dhaliyay Mali daqiiqadii 75 aad.
Nigeria ayaa koobkan Finalkiisa tagtay 7 Jeer waxaa ay ku guuleysatay Labo Jeer oo kala ah sanadkii 1980 -kii iyo 1994 tii.
Mali Waa dadaashay oo waxay horay u reebtay Koonfur Africa oo ciyaaraha marti gelinayay laakiin caawa ayey ushu qawatay markooda.
Share on Facebook
Daahir malaba
6- February- 2013 at 9:11
Somaalida shaqo la’aan baa ka badatay maxaa iga galay african xun ciyaaraya shaqada weyn inasugeesa waa alshabab oo wadanka laga sifeeyo