Home » Entertainment » Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo markale shaashada kawada soo muuqan doona

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo markale shaashada kawada soo muuqan doona

kat

Waxa la shaaciyay in atariishada muuqaalka qurxoon ee Katrina Kaif iyo atooraha aan ka dhicin ee Ranbir Kapoor ay mar kale shaashada iskala soo muuqan doonaan, waxaana labada jilaa ay markaan sameynayaan xayeysiin.

Mid kamida wargeysyada maalinlaha ah ee kasoo baxa India ayaa lagu qoray Katrina iyo Ranbir mar kale in  ay isku dhici doonaan, waxa ayna xayeysiin doonaan Saliidda Timaha iyagoo ku qaad doono lacag aad u badan.

Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif ayaa siwada jir ah u wada sameyn doono xayeysiin, dhiilka ay laga leen shirkadda ayaa kadhigi doona kuwa ugu qaalisan ee Film-star ka lamaayaasha adduunka ee iibgeeya aflaanta.

Marar badan ayay labadaan jilaa  soo wada shaqeeyeen, iyadoo xitaa xantoodu gaartay iney is jecelyihiin balse  aanu ahayn mid  shaac baxsan , sikastaba ha ahaatee  waxa ay ka dhawaajiyeen inaan wax xiriir jaceyla ka dhexeeynin  labadooda.

Intaba badan atoorayaasha iyo atariishadooda ayaa leh xiriiro jaceyl oo hoose balse waa ay beeniyaan , iyagoo qaar kamid ah ay marka danbe soo shaac baxdo in uu xiriir wanaagsan kadhaxeeyo.

Share on Facebook

Comments

One Response to Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif oo markale shaashada kawada soo muuqan doona

  1. Mohamed Reply

    February 9, 2013 at 9:11

    Katrina iyo wixi lamid ah an waso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>