Home » Cayaaraha » Falaanqeynta Kulanka Real Vs United , Tijaabi Saadaalintaada Yaa Badinaya.

Falaanqeynta Kulanka Real Vs United , Tijaabi Saadaalintaada Yaa Badinaya.

real vs unitedManchester United ayaa caawa ku bilaaban doonta Real Madrid lugta hore ee koobka horyaalada qaarada Yurub,Runtiina waa kulan Xiisaha uu leeyahay uu aad u weyn yahay.

Daafaca Real Madrid Pepe ayaa bed qabo kadib markii uu canqawga ka dhawaacbaa,waxaana uu ku soo bilaaban doonaa garoomada tan iyo December marka ay cawa la ciyaarayaan Man United.

Xabi Alonso iyo Raphael Varane ayaa labadaba Taam u ah u ah kulankan laakiin Iker Casillas ayaa ka maqnaanaya.

Sami Khedira, Angel Di Maria iyo Mesut Ozil ayaa lagu wadaa in dhamaantooda Lin Upka hore ay caawa kasoo muuqdaan Madaama ay nasteen dhamaadka Todobaadkan.

Dhinaca kale Man United ayaa rajaynaysa in labadeeda difaac ee Phil Jones iyo Jonny Evans ay saftaan kadib markii ay ku soo dhaawacmeen kulankii Everton ee 2-0.

Darren Fletcher oo ah kubad sameeyaha Man united ee qadka dhexe ayay Xumad haysaa

Ogow

Real Madrid ayaa badisay Shan kamid ah lexdii ciyaar ee ugu dambaysay ay ku ciyaartay Garoonkeeda Santiago Bernabeu waxaanan looga badin 33 jeer tartamada oo dhan.

Kooxda koobka La Liga haysata ayaa badisay Sadax kamid ah Sideed kulan oo Man United ay ugu hortageen tartamada oo dhan,Labo Guuldaro ayaa ku dhacday iyo sadax bar bardhac.

Cristiano Ronaldo ayaa 292 kulan u saftay Man United intii u dhaxaysay 2003 iyo 2009,waxaana uu dhaliyay 118 gool tartamada oo dhan.

Manchester United ayaanan laga badin 14 Ciyaar oo Tartamadii kala duwanaa ee ay ka qayb gashay .

Ferguson ayaa badiyay labo kamid ah 14 jeer oo Mourinho uu ka hortagay,Lex Isagaa laga badiyay, lexna Bar bardhac.

Share on Facebook

Comments

8 Responses to Falaanqeynta Kulanka Real Vs United , Tijaabi Saadaalintaada Yaa Badinaya.

  1. asc kulankan waa 1.1

  2. Shukri Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    Asc.dhaman muslimintow kkkkkkkkkkkkk ciyartan way iska cadehay wana real. 2 unted 1 koley wixi jira fagaru iman

  3. hani birimo Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    united 3 real 1

  4. real Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    Real aaya badineysa 5 iyo laab ayuu ku dhamaanayaa kulanakan

  5. hasan Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    kulankaan waa adsag yahay laguma deg degi karo waxaan leeyahay waa bar bar dhac

  6. luul cadeey Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    waxaa badineysaaaaa United 3 real madrid 1

  7. Kulan adag Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    hiorta asxabata salaam kulanka waa adag yahay , lkn hadaan fiiriyo amskaxda Jose waxaa badinaya Real 3 united 2

  8. ronaldo Reply

    February 13, 2013 at 9:11

    real 4 united 2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>