Ma ka sheeganeysa neerfoosanimada ninkaada ama in dareemihiisa dhankaada yihiin kuwo qaboow ama xita ma iska kaa indho tiraa maba aha ninkii aad garaneysay maalmihii koowaad oo noloshiina , ha wel welin xal sahal ah ayaan ku haynaa kaliya raac habkaan.
* Mar waliba ogoow in ninkaada yahay cunug yar furaha farxadiisana ay ku jirto gacantaada , wax waliba oo ay kugu qaadato ku bilaaw maalintaada dhoola cadeyn , waxa ayna furo iyo bilaaw u tahay in aad la bilaawdo wadahadal wax ku oolka ah.
” Waan ku jeclahay, ninka mar waliba aad ayuu ugu baahan yahay in la xasuusiyo tani waxa ay dajineysaa neerfoosanimadiisa kalgaceyl ayuuna dhalinayaa .
* Ka dhig ninkaad qofka ugu muhiimsan noloshaada : marka uu guriga joogo hakaga mashquulin howsha guriga oo waqti la qaado ninkaada xitaa waqti yar ha ahaato , oo u muuji tix gilinta aad u hayso oo ula tacaamul sida in aad hooyadiisa tahay oo sida cunug ugu dal daliig , ogoow ninka waxa uu jecel yahay in naagtiisa waqti la qaato .
4- U ogalaaw ninkaada in meel ka fog waqti uu ku qaato , ogoow ninka waa uu u bahaan yahay in uu qaato waqti uu banaanka ku soo qaato oo asxaabtiisa la soo baashaalo.
5- ninkaada ku farxad gili hab dhismeedka jirkaada iyo soo jiidashadaada oo ninkaada marba qaab isugu qurxi
6- maalintaada aad ku bilaawday dhoola cadeynta hadana erayga waan ku jeclahay habeenkii ku soo gabagabeey oo ha seexan adiga oo eraygaas ku dhihin , hadii qilaaf idinka dhex dhaco ha u ogalaan in qoraxda idin dhacdo adiga oo raali gilin ogoow in aad seexato adiga oo dhoola cadeynaya in ay tahay hurada ugu fiican aduunka.
Bishaaro
14- February- 2013 at 9:11
Waa ok lkn qodobka afaraad maku dhaqmi laheen maxa yelay intu shaqada jira dhib igu ah mana u ogolaan laheyn inuu so warego
Saacid
13- February- 2013 at 9:11
Gabar yahay hadii uu nin kaaga wajimacbus yahay ku dadaal sidii aad u qancin lahayd 24 saac dhowtan joogta ah hakadiidin in uu kugu dhufsado waqti waliba