Ila Tali:-Waxaa Warqad Talo celin ah ay Naga soo Gaartay Gabar Magaceeda kusoo Gaabisay Muna, Sida ay Soo Sheegtay Waxa ay Ku Nooshahay Wadanka Keenya, waxa Ay tiri Marka Hore Waan Idin Salamay Shaqalaha Shabakadda alcarabiya.com, Qaasatan Waxaan Salaamaya Tala Celiye Maxamed Xuseen (Xaaji Tahriib).
Salaan Kadib Muna Qoraalkeeda oo Gaabna Waxa ay Ku Bilowday Sida Tan:-
Waxaa Jacayl Naga Dhexeya Wiil aan Wada Joogna Magaalada Neyroobi, Saaxibkeey Waa uu Mashquul Badan Yahay, Waxa uu ku Jiraa Howlo Ganacsi , inta Badan Aniga Waqti aan La sheekeysto iima Helo.
Markaan Aan weydiiyana waxa uu iigu Jawaaba Mashquulka ayaa iska Badan, Waad Ogtahay Howsha Ganacsi ee aan Ku Jira Marka Is Daji Muno, arini waa sidaa ee Maxaan Ka Yeela Xaaji Tahriibow.
Talo Celin:-
Muna Waanu Kaa Gudoonay Salaantaas Midaas Mid Lamid ahna Anagana Naga Hano Walaal, Salaan Kadib Taladadaa Waa ay Fududahay, Kaliya Waxaa kugu Haboon in aad Saaxibkaa aad Dulqaad u Muujisa, Sababtoo ah waxa uu u shaqeynaya Waa adiga, Haddii uusan Maseyr Kale iyo Tuhun Naageedba uusan Kugu Jirin samir
Dabcan isna Waxaa Looga Baahan Yahay Tixgelin iyo Qadarin Iyo in Waqti uu Kula Qaato uu kusiiya, si Guurkiina Ka Hor aad Wax Isula Meel Dhigtaan Meelaha Doldoleeda Ka Imaan Karaana aad Iska Xirtaan si Beri Kamaalin Hadaad AQal Gashaan aysan Is Faham Daro idiin Qaban.
Taladaas Gaaban Waxa La siiyay Gabar Magaceeda Ku sheegtay Muna oo Warqad Nooga Soo qortay Dalka keenya.
Talo Celiye:- Maxamed Xuseen yuusuf (Xaaji Tahriib)
xaajitahriib@hotmail.com
Tel:- +27784293322
Port Elizabeth South Africa
amina ali
February 16, 2013 at 9:11
Asc dhamaan akhaarta waad salaamantihiin xaajigana wuu mahadsanyahay. Talada wanaagsan waxaan ku dari lahaa hadii ay wax is badli waayaan ka danayso oo samir kadib aan kwadaa hadaa wax weydana anaa ku caawinaayo abaayo. Haka cabsanin. Wilal ila dhashaya ayaa jira oo aad u qurux badan waa filaa in ay ku qancin doonaa laakin horta sabar
Shukri
February 15, 2013 at 9:11
Asc.dhamaan musliminta iyo akhristayasha sln kadib ninku hadi hal meel aad isla jogtan yacni hal wadan ooydaan todobadki ugu yaran halmar kulmin fadlan rag way badan yihin ha ku dan seegin mida kale face-face waxaan lagu dhamaynin telephon laguma dhamayn karo taasi waa taladi anoo ah boqorka qoraxey……thanks alah
Bishaaro
February 14, 2013 at 9:11
Wan idin salamay dhamantin talo waa tii rabi maashaa allaah wa talo wanagsan walaashey muna samraa ayaa sadkisa hela ee samirka kaasho
Maxamed masuul
February 14, 2013 at 9:11
Marka hore waxan salamaya dhamaan wariyaasha shabakada al carabiya iyo dadka ku taxan barnaamijyadiisa kusaabsan jiritaanka lamaanayaasha is jecel salan kadib sxbka talada aad iyo aad ayaan ayaan ugu mahad celinaya sida wacan ee uu talada usiiyay muno bye bye akhyarey
Sigad
February 14, 2013 at 9:11
SAMSAM adiga ayaa ugu talo xun inta talo dhiibtay…..adigoo kale waxaad kudanbeyn inaad afar nin kolba kufuraan…..wll muna samir cida looshaqaynayo waa adi…
Hanad
February 14, 2013 at 9:11
Asc dhamaan alcarabiya & aqristayaasha salan kdb muno abayo samir oo dulqaad same hanakahaarin ilaa ow dhiigada & dhidiidkada iskudaro hadii aad tahay begro lakiin hadii ad tahay garoob talo maba ubaahnid hadi aan talo bixiin kusimo intaas su aal dhalinyaro waxaan layaabay calacalka kaabaxo gabdhaha jogo kenya iyo wiilasha jogo south africa markasta waxa cabanayo oo alcarabiya talo weydiyo waa gabar kenya joogto abase wiil jogo south africa marka su asha ayaa waxey tahay maxa keeno in ow ayaga oo khura beegsado jclka jwbta walalayaal firiya hadii ad aragto maanta talo celin waa gabar kenya aba wiil koonfur afriko
Dayniile boy
February 14, 2013 at 9:11
Muno ma’tahay suno gud ma’tahay gabar dareenkeeda dhanka sariirta aad u wanaagsanyahay oky hadaba wax walwal ah haka’qabin in uu kumeeleen waayo waxaa jira dhalinyaro badan oo baadi goob ugu jira gabdhaha suno gud ka ah
Jeilani
February 14, 2013 at 9:11
Muna abyo iska xaqiji jclka u ku qabo adi dhab ka tahy sug intu jaanis ku helay adii aysan dhab ka aheen iska jir intuu adiga ku maweeliyo markaas yuu meel xun ku didayaa abyo inta wa taladeuda aan ku siyay.
Sacid
February 13, 2013 at 9:11
Muna samirka badi insha allah
Ladan
February 13, 2013 at 9:11
Aad ayaad ugu mahadsantihiin ka qaybqaadasha jiritaanka lamaanayaasha, xaaji adna tnc muna sifican ayad ulatalisay i hpe in ay qaadan doonto
nawaaal
February 13, 2013 at 9:11
nin mashquul badan walahi wa dhib adna jecashahay
sahra love
February 13, 2013 at 9:11
xaaji talo wanaagsan ayaad bixisay thnks mar waliba ad ayaan uga helaa qoralaadada
Samsam
February 13, 2013 at 9:11
Muno kan kadaneeso waxba kuuma hayee nairobi waxaa jooga gabdho adiga kaaga leh