Baaritaano la sameeyay ayaa sheegaya in calaalinta (Ruugidda) xanjada in ay xoojineyso in si deg deg ah qofka u fikiro isla markaana foojignaado, iyadoo la xusay in calaalinta xanjada ay 10% xoojineyso fikirka qofka halka sideed xarumood oo maskaxda ah ay saameyn ku leeyihiin arintaas.
Aragti ayaa tilmaameysa in calaalinta xanjada ay sara u qaadeyso heerka foojignaanta waxa ayna wanaajineysa in dhiiga si habsami ah ugu soo shubmo maskaxda , waxaana xusid mudan in la helay sirta ay tababarayaasha u calaanjiyaan xanjada .
Wargeyska The Independent oo soo xiganaya baaritaankaan ayaa laga soo xigtay in fal celis wanagsan uu ka imaanayo maskaxda marka la calaalinayo xanjada.
Waxaa horay u soo baxay tilmaamo sheegaya in calaalinta xanjada in ka badan 20-daqiiqo ay sara u qaadeyso garaaca wadnaha .
Share on Facebook