Waliga Ma Dareentay Jaceyl oo Mala ilmeysay, Qalbigagana Ma Siisay Ruuxa aad Jeceshahay Adiga oo uurka Wax Ku Reeban, Ma is Tiri tani Waa Mustaqbalkaaga, makaa Kacday Jiririco oo Asaxaabtii Ku ag Joogtay Maku Dareemeen in Si Wax Kaa Yihiin.
Dabadeed Ma Istaagtay oo Qol Kaliga Ma Tagtay, Asxaabtii Kula Fadhidayay Makula Yaabeen oo Mayirahdeen Maxaa Ka Qaldan Qofkani, adiga oo Shanqarta Xantaasi Dhagtaada soo gaareysa Qalbigaga Aayar Ma isu Jawaabtay oo ma Tiri:-
Nafuu Jacayl Sahan Saday Alahayow Sal Fududa, Deetana Ma Sii Daba Dhigtay Qalbigaa Ku Daawada Indhuhuna Kasii Daran, adoon isla Hadalka Qalbigaga Ku dheeran Ma Tiri, Raasamaalka Guurkiyo Raaxada Aduunyada Raaliya Ninkii Helaa Raganimo Ku Faana.
intaas adiga oo ay Kuu Mareysa Qolkaagii Malagaga Soo Daba Galay oo Malagu Weydiiyay su,al ah Maxaa Ku Helay ,Adoo Qarinayana Sida wax U Jiraan aayar Jawaab Fudud Ma Usiisay oo Maku Gaabsatay JACEYL BAA I HAYA.
inta Lagugu Qoslay Banaanka Malagaga soo Baxay, tel Makusoo Dhacay oo Shaashada Mobile-kaaga Makaaga Muuqday Magac Saaxiibtaadi ad Xalay Xanaaqa Ku Kala Tagteen, Hello Markaad Tiri ilmo Makaa Soo Daadatay, iyadiina Markii ay Dareentay in Codkaaga Xiran Yahay oo ilma Kaa Socoto Makula Ilmeysay,
Saxaafaddii sawirkan Ma Idinka Qaadeen oo Ma Yiraahdeen Jacaylkani Waa al-Cadaala oo Waaloo Sima yahay.
La Soco Qeybta kale
Xigasho : Hilinka.comĀ
W.D:- Maxamed Xuseen Yuusuf Xaaji Tahriib
xaajitahriib@hotmail.com
Mob:- 0027784293322
Port-Elizabeth South afrika
axmed milano
February 21, 2013 at 9:11
Waa qiso mac quul ah alcaribaya waa ku mahad san tihiin lajirka bulashada iyo sida aad u tagertaan dhalinyarada jaceylka sito oo aad ugu fududesen sidi ay ku soo jidan lahayen qalbiga qofka ay jacel yihiin
Maxamed masuul
February 18, 2013 at 9:11
K k k k k k k k wa sheeko qosol badan jacaylkana sidiisaba marba qaab ayaa loo arka waadna mahadsantihin al carabiya iyo akhristayasheda
Ikraan
February 17, 2013 at 9:11
Naagtan 99 jareer baa iska dhashay
muniira
February 16, 2013 at 9:11
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk cdi maha yaakhey wey isoo mrmmtey arintan
Abdifatah villa
February 15, 2013 at 9:11
K.k.k.k.k.k. Caadi ma,han Alcarabiya Thanks
zaki
February 15, 2013 at 9:11
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxan isu maleyay in aniga laga shekeynayo
Hanad
February 15, 2013 at 9:11
Jawab maya waali magarin taasi iyo mid la mid ah asc
Moha mohamed amiin
February 15, 2013 at 9:11
Good nice kkkkkk wanka aamusay arintaan