Home » Arimaha Qoyska » Hadaad Qalbi Jilcan Tahay Ha Aqrin Dhacdadaan Jaceyl , Maymuun Ayaa Ka War Bixineysa.

Hadaad Qalbi Jilcan Tahay Ha Aqrin Dhacdadaan Jaceyl , Maymuun Ayaa Ka War Bixineysa.

facebook1Maymuun waa gabar somaliyed oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ayna qadka taleefanka kula soo xariirtay shabakada alcarabiya iyada oo naga codsatay in aynu soo daabacno jaceyl ay kala kulantay ciqaab aad xoogan iyada oo gabdhaha somaliyed uga digeysa xariirka jaceyl ee facebook.-ka.

Maymuun waxa ay tiri waxaan wiil isku baranay qadka internetka gaar ahaan Facebook mudoo kooban oo aan ka sheegeysanay, iyadoo ugu dambeyntii aan waji ka waji isu hor fariisanay , balse kulankaas ka hor si xoogan ayuu iiga jilciyay qadka oo waxaan la kulmay aniga oo u humuun qaba .

Aniga oo si wacan aan u baran ayuu ii soo bandhigay guur xilli hadaladiisa macaan uu ugu qabsaday, waxaan u sheegay walaalkey waxa uuna igu yiri nin mudo kooban ka baratay qadka kuma wanaagsana guur waxa uuna u sheegay waalidkey kuwaasi oo igu dhahay waa wax laga xishoodo in nin noocaas qad laga bartay in ay kula soo shar tagto waan guursanayaa waana ka diideen.

Walaalkeey waa iga dhaadhicn waayay in jaceylka ka horeya guurka in uu been yahay , anna diidmadaas darteed waxaan qarka u saarmay in aan waaw la sii dhaho jaceylkiisa .

Waxaan go`aan ku gaaray in aan guursado maadaama qoyskeyga diideen taasina xalka kaliya ayay ii noqtay , waxaan ka soo huleelay labadeyda waalid iyaga oo leh waad ka shalaaneysaa , runtii hooyadeyna waa ay ilmeyneysay .
Waxaan diyaarsaday dhamaan dhargeykeyga waxaan u baxay walaalkey iga weyn oo xiligaas qilaaf kaga maqnaa gurigeena xaaslana ahaa oo naagtaas dateed isugu dhaceen, dhamaan qisadeyda ayaan u sheegay , xilli weli dhagaheyga ka sii shanqareyso hadalkii hooyadey ee ahaa hadaad baxdo oo aad soo guursato ninkaas in aadan ku soo laaban gurigaan .

Alla maxaa ka waali badan jaceylka qiyaaliga ee indho la`aanta ah , waxa uuna walaalkey ii sheegay in isaga uu ii yahay hooyo iyo aabo iyo waliba walaal , yaan war idinku dheereyn arinta waxaa kala tuuray walaalkeyga oo kaliya walalkeyga iyo dhowr qof oo qoyska ninkaas ah ayaa la socday guurkaasi gaaba-gaabeyga ah.

Alle Xanuun hadda ayuu bilaawday farxad iska daayee xittaa hadii kun sano ay la sii noolaato farxada kama heleyso waxa ay Maymuun ka war heshay …

Maalmo ka dib waxa ay ka war heshay in ninkaas uu aad ugu waalan yahay maandoorayaasha , xanuun badanaa waxa ay si sahal ah ku soo xasuusatay warkii walaalkeedii waalidka la joogay ee ahaa sidii ku guursaneysaa qof aadan si wacan u baran , durbo bahdlid iyo ciqaab ayuu igu bilaabay , aaway hadaladii macaanaa ee facebook .

Habeeno badan ayaan ilmeeyay ninkii facebook iga soo dhex qabtay ee hadalada macaan igu soo sixray waa kan daroogada cunaya naagana guriga kula tumanaya bilaa xishood horteeyda , balse maalmo ka dib waxaan ka codsaday in uu furo , waxa uu yiri dhib malaha balse waxa uu iga codsday hal arin ……

Halkaan Ka Dhameystiro Qisada Xanuunka Badan Ee Ay La Sii Kulantay Maymuun.

Alcarabiya Hoyga Arimaha Qoyska .

Share on Facebook

Comments

24 Responses to Hadaad Qalbi Jilcan Tahay Ha Aqrin Dhacdadaan Jaceyl , Maymuun Ayaa Ka War Bixineysa.

  1. asc bahda al carabiya wad kumahadsantihi war bixinta shekadan maymun adina wal samir iyo iman ban ilaah kaga baryena. Raga cadeystay in ay dumarka sida ayy raban ula dhqman waxan u so jedinyay fikrad ay uga wa toman dhaqan kan xun

  2. Abdulwahid Reply

    March 21, 2013 at 9:11

    Qof walbo waxuu shaqeysto ayuu leyahay iyada aya shaqeysati jcl oo bilow iyo dhamad laheen ayeey ka doratay walidkeeda oo nolasha dhabta ah laso qeybsadi

  3. basma mohamud Reply

    March 8, 2013 at 9:11

    aad iyo aad baad umahad santahay faarax mohamed cabdulahi abaayo maumuun waxan kudhihilahaa faarax baa kuyiri waa iska xaal aduun iskasabir aduun micno malahan isagana allah subhana watacalaa kudaaa ruux rabi looga dacwooday rabi baa kaaga falin weyna kuu qorneyd waayo nabigeena scw wuxuu yiri anamaa asabaka lamyagun liyuqdiaka wamaa aqdaka lamyakun liyusiibaka wixii lagugutalakalay inaykugudhacan marna kumagarabmarayan wixii aan lakuutalagalin inaykugudhacana marna kugumadhacayaan qiyanaduu kugusameyeyna durbadii waluguciqaabay waa isagii laxiray inta kalana illah baagaga aargoynaya intaa weyswysatid laba ragco ilaahay utugo oo suna aha kadibna weydiiso inuu qalbigaga katirtiro murugada oon axasiliyo talana saaro illahey quraanka nookushegay wamanyatawakal calalahi fahuwa xasbahu ruuxii italasaarta anaa kufilan

  4. Faarax maxamed cabdullaahi Reply

    March 8, 2013 at 9:11

    Asc dhamaan xubnaha alcarabiya & aqritayaasha & mucaashaqada qaaliga ah ee meymun dhabtii waanka danqaday dhawaca gaaray wlshy lkn wll kusamir qadarta alle ogowna xalaashiis xumeeyo xakaarbaa udambeyne xaqiiqdii jcylka guurka kahoreya raga wuxuu uyhy qayaali & qiso marsomartay lkn dumarka waa utaariikh aanan marna katirmeyn kuna qoran qalbigooda horta guurku waa ul mugdi lagu tuuray raadinteedana waad garan kartaabaan umaleynayaa dhibkeeda tan jcylka waa caadi inaad jclto qofaadan waligaa arkin maqal maahee lkn waxaa haboon hadiiba mustaqbal leysla gaaro inleys qodqodo shaqada balwada faamilkaaga wxd jcshahay wxd neceb thy dabeecadada dhaqankaga iwm tin ilaa cirib waa inaad ogaataa fikrada waalidka & walaalaha qaasatan hooyadaa waayo lagama kaco habaarkeeda tankale wxn udigayaa raga caadeystay jabinta qalbiyada dumarka kawaantoba hadi kale meel xunbaa idin dambeyn waxbo yaanku dheeraan hadalke wxn ku koobayaa waano waalid diidow darxumaadku dambeyn dhanka kale gabadha dhahday wiilban dhowr sano isqabnaa wuuna iga maqan yhy mudo bdnba laga yaabe duruf inuu kumaqan yhy xanaaqa & dagaalkaad sheegeysana yhy miduu sheydaan kuu nuurinayo lagana yaabe iney jiran lkn mahabona duqaada inaad kasheegato naagnimadaada isticmaal kartidaada kaasho fikir macquul ah fikir diintena mcn kuqanac waayo ninkaga waa labiskaga isna labisbad u thy waa janadaada ama naartada marka digtonow wlshy mcn diintana wey idin nimceysay hadad hawen thn marka hay isdiciifin qaalibaadtahee wxna kurajeynayaa inaadan xumaan arkin reerkana kuuhagaago aamin alahayow dhanka kale wlshy meymuun allaha kuu qaboojiyo qalbiga raxmadiisana kaaga buuxiyo dunida dusheedana hakaaga sahlo midkaloo duceysanoo daadah kugu yiraahdo kaadhowro dhibaatiyo wixii ku danqinayoo idil wll mcn samirsii naftaada waalidkaana darajee kafogow xumaatada farxadana kudadaal haxasuusan wixii dhacay lajaanqaad wixii cusub laqeybso kuwa faraxsan farxadooda ha isku kaliyeyn kaligaa meel bulshadana kadhexmuuqo waligaa illaahbaan kuubaryaaye akhyaarey aaminta igu kaalmeya adinkuna

  5. arbaco Reply

    February 25, 2013 at 9:11

    maymun sorry walashay waa qiso xanuun badan aad ayaan kaga xumahay arinta ku qabsatay ilaahna waxaaan kaaga baryaya mid aaaad ku dagto nolashana farxad galiyo ilaah hakuu sahlo aaaaaaaaaaaamin aaaaaaaaaaaaaaaamin aaaaaaaaaaamin

  6. buube Reply

    February 21, 2013 at 9:11

    QOF WALIBA AYAAN LEHE.ZABAN WALIBA QADARKII LEHE. MUDDO AYAAD AHAYD SIDA MADHIINKA OO KALE E.MAANATANA MA AADAN FILAYN SIDAN E. FAHMADII QALBIGA SIDAA TAHAY. EE AYAAN DARAN NAFTAADAY . FITNO KAAGAMA HORAYN MARKII AAD GASHAY. BADWAYN IYO HIRAR QARSOON. BARYAQAAN HORE AYAASE YIRI.HASHII LACDAN BARATAA DHIBKEEDY BOGATAA.EE AYAAN DARAN INANTAADEY.SAADIR WAXAAN KAAGA TUUGAY.MUSTAQBAL IFAYA IYO SIDOO HORE IYO SI KA AWANAAGSAN

  7. hamse Reply

    February 20, 2013 at 9:11

    aduunyadu waa,xabsi,maalmo kooban,lagu jirayyoo e laguma waarayo qofkasta,wuxuu alle u qoray dhaafi maayan.maymuun,mise gabar kale.lakin guurku mahaa shey fuduud,hora lo yiiri,geed sii fuduud lagu fuulay si ka si fuduud ayaa loga so dagaa,waxkastana samiirka ka wanaagsan,ogow qofki samra sadkiisa hela,gabaryahay markad guursaneysiid la tasho waliidka abaha iyo hooyada mise gabar walsha ah mise wiil ahlu caqli aah o kula dhashay,iyaga ku caqli ah,takale,ninka markad guursaneysid,uu fiirsasho u bahan yahay,e uma bahna jecel aan afka dhafsisaneyn.facka iyo baltalka iyo,internetka waxaa la isku guursado ma yaro mid dibad joogo mid gudaha joogo,intuba hadi ay isku calmadaan o ilah rali uganoqda wa is helan,lakin marka hore ugu yaran lix bilow ku daba jir wuxu qabto mise qabato mise u isticmalo balwada noocey donto ha ahaate,iyadano noocas ileen naagahaba balwada iyaga raga ka dheereyan waqtigan,waxa ugu yar waa shiishaada ayey dhuqan balayo dhuuuqde.

  8. muna Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    mar walba waalidka hala adeeco fowsia wllo usamir ninkaaga telka laftiisa adoo kala hadlaya hadana soo jiidasho samee hana kadaalin thanks

  9. :-*yääsíinka:-C:B-) Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    ALCARABIYA IYO MEYMUUN A .S. C. Iyo Akhristayaasha ALCARABIYA salan kadib Ani waxan qabaa jaceelka FACEBOOKA anbe NINBUUZKA Nedka oo dhan in uu jaceelka uyahay bilow fiican iyo hormar wanaagsan waayo waa sahlaha arimaha jaceelka Tanmeymuun qabsatay waxan dhihilahay Meymuun Abayo waad dagdagtay wayo Facebooka Nedka hadaa jaceel kala abuurtay markaa aragtay ilaa Guurkiina mafahmi weysay Ninka in uu maandoriyo isticmalo iyo Qaabkiisa oo idil MEYMUUN WAXAN DHAHAA FURSADA JACEELKA NEDKA WOW SAHLAA WOWNA BILAABAA JACEELKA lkn Dhamestir iyo hubsiino Adi ayaa lagaa rabaa!!!

  10. Shardi cade Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Asc dhaman daadihyaasha barnaa mijka ango ku darsanayo fikradayda jacayl ha ka ahaado midka face ka face waxan ka ogaan karta qofka xumantisa iyo wangisa waxana ka si jclahay midka gurka ka dib ah

  11. Faiso Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Wil ayan isqabna afarsano ayuna iga maqanyahay wan iskaga sabraye inu imadana marabo tas aya tahay xirirkisana wa qadka hadu igu arko kaliya ane said ayan ujeclahay inu daqiqadkasta iso xarirya markan ku qasbadayna wu ila dagala talo isiya

  12. Faiso Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Talan raba

    • Mohaa faarax Reply

      February 23, 2013 at 9:11

      Asc dhamaan asxaaba bahda internetka waxaan rawaa arin yar inlii gala taliyo gawar ayaan jec lahay gawadhaasoo ku sugan dalka ithopoya gaar ahaan adis ana waxaan kusuganahay dalka liibiya xaqiiqdi aad ayaan ujeclahay inantaas mar walbo iyadaan ka fikiraa xaqiiqdi ma aqaan caqawada iga heesato xageeda mana tilmaamikaro waxaan rawaa inantaas inaan guursado laakiin iyada ima aaminsano maxaan soobiyaa ana waxaan rawaa markaan halkaan katago aan gaaro yurub inaan qaato iyada intaas kahor amaa lagaa dafaana wee igu jirtaa maxaan kayeelaana walaalahee??!¡!

  13. haashim(zero) Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    asc jaceelku waa guur dawadiiiiiiiiiiii
    ma awoodo inaan ku daro

  14. Nasriin Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Asc runti arin murugo leh waye waliga walidka hadalkisa la raca mida kale facebook keliya ma ahan guurka wa ina markasta ka firsata qof adna si wanagsan ehelkisa iyo shaqadisa ogen laguma dag dago wax jeclow lakin ma ahan inu fudud ku qado

  15. msgd Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Hadag dagina alcarabiya anagaa facebook iska baranay mudana wada sheekaysanee maaha hal qof inaad tusaale usooqaadataan waxan ookale cilmi ahaan waxaa layiraahdaa(hasty genaralization) waa fallcy

  16. AL WADAN 1 Reply

    February 19, 2013 at 9:11

    Asc wrt wbr dhamaan walaalah salaan kadib ani waxeey ila tahay wiil iyo gabar alle ayaa jid hagaagsan u jideeyay haddi wadadaas la marana dhib iyo shalaay maba la arkaayo tan kale qofkan dhibtu ku dhacday ayadaa caasi waalideyn ah waayo waalidkeed ayeey ku gacan seyrtay markaasey ka dooratay nin ay shalay baratay allow waxaad naga soo goysay noo toosi oo baari hadlka maqla nooga yeel ameen ameen ameen

  17. ahmed Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    asc marka hore dhibta garay gabadha muno waan ka xumahay muna walaley taladi walidka hada yeeli laheeyd dhibka kuma dhacden inta waxa filaya iney cibaro qadasho kugu filan tahay dagdagta wan laga roon yahay oo camal sheydan wax walbo kafirso intadan falin waxa ku rajeynaya dhibta kuso gartay nin rago wanaagsano kameera bye

  18. mohamed Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    asc sln kadib waxaan dhihilahaa raga yaan la wada basan ee halaga fiirsado maxaayeelay gabadha hadii ay jeclaatay wiilka uuse xumaaday dadka mid fiican iyo xunba waajiraan

  19. nuunoowagabar murugootay Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    allaha xanuun badanaa waa qiso , wax ay mudan tahay ku cibro qaadasho ilaahoow ragag noocaas ah naga ilalai

  20. nuunoow Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    kaliya dhibka wax aay tahay baklwda uu ka qariyay oo hadii uu sheegi lahaa ama wa ku raaci laheyd ama wa ku didi laheyd iyo in deg deg isugu boden , walahi waan ilmeyay qiso xanuun badan

  21. fahmo Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    ragga qaarkiiw ax la aamino ma ah , ee waan ka xumahay wana tao wanagsna thnks maymuun

  22. muno Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    ah ah aha ah qiso xanuun badan laguma deg degi karo jaceylka facebook ama guud ahaan netka

  23. bakistaan Reply

    February 18, 2013 at 9:11

    kkkkkkkkkkkkkk marka hure waad slmnthn daa dihiyaasha wbk marka hure arintaan waa sax marka raga rag xun iyo koo san woo ku jiraa lkn anaga oo naag doon aheen oona ku shkysn fcbk in nagaha nakala carar siistan mad rbn cmk kkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>