Home » Cayaaraha » Maxay Ka Yiraahdeen Ciyaartooyda Barcelona Kulanka Xalay , Messi Afka Ayuu Taagay .

Maxay Ka Yiraahdeen Ciyaartooyda Barcelona Kulanka Xalay , Messi Afka Ayuu Taagay .

Lionel_MessiWiilka dadka Dhibay ee aad Moodo in kubada lagu kooleeyo ee Messi ayaa qiray Milanta uu xalay arkay inay ahey mid isagaba ka yaabisay kadib 2-0 markii loogu dhameeyay Ciyaarta.

Isagoo la hadlayay Barca TV- Messi ayaa carabka ku dhuftay in Milan ay ka wanaagsanayd Barcelona isagana lagula dagaalayay Garoonka.

Laakiin Messi waxaa uu ka horyimaaday In Barcelona laga saaro Bini’aadamnka oo waxaa uu yiri dadka waa ay buun buuniyaan guuldarada Barcelona oo ma u maleeyaan iney tahay koox laga badin karo.

“Milan waxaa ay Muujisay iney Wili nooshahay, waxaan aaminsanahay Lugta labaad ee ka dhacaysa garoonnkeena Camp Nou balse.

“Balse waxaan la yaabanahay yaa yiri Barcelona lagama badin karo,taas waxaan aaminsanahay iney tahay wax qaldan,marwalba waa nagala adkaan karaa sida xalay oo kale,miyaan aheyn bini’aadam”Messi ayaa sidaas ku qeyliyay.

Kubad Sameeye Iniesta ayaa yiri Kubad Macaanteeda waxaa ay taalaa Marka aan Milan ku soo dhaweyno Camp Nou Markaas ayaan tusaynaa Mid lamid ah wixii ay xalay nagu dhigeen.

Websetka Barce ee Barcelona.com ayaa isagana lagu qoray hadal loogu goodinayo Milan kaas oo ah,Ushaada cida aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibto,taas oo lagala jeedo Milan dhib naguma hayso inaan garaacno lugta labaad guushana ay dib xagooda u soo marayso.

Adriano Gallaini oo ah Gudoomiyaha Milan ayaa isagana sheegay iney aheyd guushii xalay Mid taariiqi ah Islamarkaana barcelona ay horay u ogayd iney Milan wiji fiican aysan kala kulmeyn.

Gerard Pique oo ah Daafaca Barcelona ayaa si cara leh u yiri”waxba yaan ku mar marsiyoon garsooraha,waa nagala fiicnaa, anagana Si fiican uma ciyaarin

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>