Home » Cayaaraha » Adriano Galliani ” Barcelona Waa Ogeyd In Milan Aysan Ka Badin Karin “.

Adriano Galliani ” Barcelona Waa Ogeyd In Milan Aysan Ka Badin Karin “.

Gudoomiyaha AC Milan Adriano Galliani oo Ciyaartii Taariiqiga aheyd ee Milan ay kaga badisay San Siro Barcelona ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo howsha uu qabtay Tababaraha kooxda oo uu sheegay inuu dabin aan laga baxsan karin u dhigay Barcelona.

adrianoAdriano Galliani ayaa qeexay in guushaan ay ugu hambalyaynayaan Madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi oo u dabaaldagaya sanadkiisii 27 aad tan iyo markii uu iibsaday Diavolo.

Shaqo aad u fiican ayaan qabanay ayuu yiri oo Taariiqda kubada meel Fiican ka galayso.

“Waxaan U diidnay Barcelona iney Cagta soo saaran Xerada Ganaaxa,waan Hubay inaan Barcelona gaaraaci karno,guushaan 2-0 waxaan u hibayn doonaa Madaxweynaheena Milan,waxaana uu ka dalbaday Taageerayaasha kooxda iney u mahadceliyaan Madaxweyne Berlusconi oo heerkan kooxda soo gaarsiiyay.

Ugu dambeyn waxaa uu Gudoomiyaha Yiri”Barcelona been kuma sheegin markay dhaheysay Milan waan ka wal walsanahay”Xushmad Weyn ayay noo hayaan Barcelona ayuu qeexay.

AC Milan ayaa lugta koowaad kukala baxday Barcelona oo haysata Laacibka Aduunka iyo Kan Yurub,waxaana ay kooxda reer Spain ku hanjabeen garoonkooda iney ku adkaan doonaan.

Share on Facebook

Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>