Iyadoo Man united kulan adag uu horyaalo todobaadkan ayaa waxaa la soo gudboonaaday dhaawacyo dhanka ciyaartoyda ah,
Ferguson oo maanta Shirjaari’id qabtay waxuu xaqiijiyay dhaawacyda Wayne Rooney iyo Daafac Phil Jones oo aan wax rajo laga leheyn inuu awood u yeesho lugta Labaad ee Real Madrid ay imaanayso Old Trafford March shanteeda.
Man United ayaa carabka ku haleeshay in Wayne Rooney uusan ciyaari doonin Todobaadkan oo garoonka Loftus Road ay ku wajahayaan koox leysku uruuriyay oo ah QPR isagoo seegay todobaadkan tababarka kooxda ee maalinlaha.
Mar uu ka hadlayay Fergie mustaqbalka Jones waxaa uu ka shanqariyay in rajada uu Real Madrid kaga hortagi lahaa ay aad u yartahay,waxaana uu u badiyay inuusan safan doonin.
Share on Facebook