Ma ka sheeganeysaa gabaryaheey in xariirkaada ninkaada yar yahay oo aadan wicitaan ama fariimo qoraaleed ka heleyn xabiibkaada oo xitaa haddii aad wacdo sheekada makuu soo koobaa , xal ayaa lagu hayaa ee habkaan raac.
*Warkaada ha aahado mid cad : ragga ma jecla sheekooyinka dhaadheer sida haweenka , sidaa dateed waxaa kuula gudboon in aad si waadax ah ninkaada ugu sheegtid waxa aad dooneyso , sidoo kale dooro waqtiga aad waceyso ee aad wax weydiisaneyso.
* Ku dhiiri gili in uu kula soo xariiro : in ninka uu soo sameeyo wicitaan dhanka taleefanka ah xagiisa arin dhib ah ayay ka tahay marka la bar bar dhigo fusradaha kale ee isgaariisnada kale sida internetka iyo in uu sameeyo kaliya fariin qoraaleed.
Haddii isgaarsiinadaas aysan munaasib kugu aheyn waa dhibaato waxaa kula gudboon in aad arintaas kala hadasho si xal loogu helo , sidoo kale si uu ugu dhiirado in telka uu kaala sheegeysto dareensii farxad adiga oo codkaada adeegsanaya .
* Ka Dhig xariirkiina mid sahal ah : in aad la gasho xabiibkaada wicitaan taleefan aan dhamaad laheyn waa laga fiican yahay haddii aysan jirin wax keenaya in sheekada dheeraato .
Talooyin ku aadan qaabka ninkaada aad telka kula hadleysa oo ay alcarabiya ku siineyso ee raac gabaryaheey .
* Ka dhig muddo ku hadalka taleefanka wax aan ka badneyn 10-daqiiqo , dhib malaha in wicitaanka dhaamado isaga oo u baahan ee dhibka waxa uu yahay in hadalka joojiyo halka adna hadalka wadid .
* Haddii aad dareento in wahadalakaada uu doonayo balse adiga ku qasban tahay in aad sheekada dhameyso kadis ha uga dhigin in call-ka ka baxdo ee u sheeg in aad haysto 5-daqiiqo oo howl aad qaban rabtid nooca ay doonto ha ahaatee.
* Haddii uusan xariif ku aheyn ku sheegeynta teleefanka adiga ku hag wadada sheekada oo su`aalaha weydii si aad jawaabta uga hesho tusaale sidee ayuu ahaa shirkii maanta aad ka qeyb gashay.
muno love
February 22, 2013 at 9:11
qatar cadiim talo fiican , aniga SMS lee ayaan ku cabaa , hala qaato
axmed
February 23, 2013 at 9:11
muno love khatar baa tahay keen sms